U bood dhigaalka

Xog: Deni oo Kursiga Jambeel Koombe u Wareejiyey Majeerteen, Akhriso Isbadallo Kale!

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa maanta soo saaray liiska aqalka saree e BF u matali doona maamulkiisa, liiskann oo aaney kasoo dhex muuqan Sanatarro waa waaweyn sida Cumar Cabdirashiid, Cabdirisaaq Jurille iyo Maxamuud Mashruuc, waxaa kale oo xusid mudan in kursiga beesha Jambeel Koobe ku laheyd aqalka sare loo wareejiyey beesha Maxamuud Ibraahim ee Majeerteen, teeda kale kuraasta haweenka loo xiray hal kursi ayaa Majeerteen ah halka labada kale ay yihiin Warsangeli iyo Dhulbahante.

Labo Senator keliya ayuu kasoo celiyey baarlamaankii 10-aad isaga oo badalay sagaalka kale, labada uu soo celiyey waa Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ( Faroole) iyo Farxaan Cali Xuseen.

Haddaba, Waa Kuwan Faah-faahinta Kuraasta Aqalka Sare iyo Liiska Cusub:

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ( Faroole), oo ah  Senator ku fadhiya  kusriga sumadiisu tahay UH52, oo ay leedahay beesha Ciise Maxamuud oo ka tirsan Majeerteen ayaa mar kale kusoo baxay liiska musharaxiinta aqalka sare ee federaalka ah ee laga soo dooranayo Puntland, waxaa la tartami doona Maxamed Cismaan Colaad.

Farxaan Cali Xuseen, oo ah Senator ku fadhiya kursiga sumaddiisu tahay UH11, oo ay leedahay beesha  Leelkase ayaa sidoo kale ka mid noqday liiska musharaxiinta ee uu Puntland kasoo saaray madaxweyne Deni, waxaa hadda la tartameyso Hodan Isxaaq Maxamed.

Senator  Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ku fadhiyey kursiga sumaddiisu ahaa UH41, oo aheyd laheyd beesha Cusmaan Maxamuud ayaa inkasta oo isla beesha la siiyey hadana isaga laga reebay, kursiga hadda waxaa ku tartami doona  Daahir Ayaanle Siciid iyo  Maxamed Cumar Maxamed.

Senator Cabdirisaaq Cismaan Jurile oo ku fadhiyey kursiga sumaddiisu ahaa UH27, oo ay laheyd Dashiishe ayaa isla beesha lagu celiyey, laakin isaga ayaa laga reebay liiska, waxaa hadda ku tartamaya kusriga  Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) iyo  Maxamed Geedi Maxamuud.

Senator Maxamuud Axmed Maxamuud Mashruuc oo ku fadhiyey kursiga sumaddiisu aheyd UH39, ee Beesha Cali Saleebaan, Majeerteen ayaa isla beesha lagu celiyey laakin isaga ayaa laga reebay liiska, waxaa hadda ku tartamaya  Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan ) iyo  Ismaaciil Mire Muumin.

Senator Siciido Xasan Cismaan oo ku fadhisay kursiga sumadiisu aheyd UH23 ee beesha Warsangeli ayaa laga reebay liiska aqalka sare, waxaana kusoo baxay gabdho ay isku beel yihiin sida Seynab Ismaaciil Maxamed iyo  Aamina Jaamac Ibraahim.

Senator Hodan Maxamuud Cismaan oo ku fadhisay kursiga summadiisu tahay UH40, oo ay laheyd beesha  Dhulbahante ayaa inkasta oo isla beesha la siiyey hadana iyada laga reebay liiska aqalka sare, waxaa hadda ku tartami doona  Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad iyo Naciimo Axmed Bakar.

Bootaan Barre  Samatar oo isna ku fadhiyey kursiga summadiisu aheyd UH42, oo ay laheyd Jambeel Koombe ayaa laga reebay liiska aqalka sare, waxaa hadda tartami-doona  Sareedo Maxamed Xasan  iyo  Fartuun Yuusuf Jaamac, oo u dhashay beesha Maxamuud Ibraahim ee Majeerteen.

Senator Shukri Aadan Maxamed oo ku fadhisay kusriga sumaddiisu ahaa UH28 ee ay leedahay beesha Cumar Maxamuud, Majeerteen ayaa beesha lagu celiyey balse iyada laga reebay, waxaa hadda ku tartamaya  Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) iyo Kowsar Cabdullaahi Xirsi.

Senator Cabdisalaan Xaaji Maxamuud oo ku fadhiyey kursiga sumaddiisu tahay UH25, ee Dhulbahante ayaa isla beesha kusriga lagu celiyey balse isaga ayaa laga reebay liiska, waxaa hadda ku tartamaya Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacade) iyo Cabdullaahi Maxamed Xaashi Nuur.

Senator Mahdi Daahir SH. Nuur oo ku fadhiyey kursiga sumaddiisu tahay UH 36, ee ay leedahay Awrtable ayaa isla beesha la siiyey, laakin isaga ayaa laga reebay liiska, waxaa hadda ku tartamaya Cabdiqani Geelle Maxamed  iyo Cabdiqaadir Maxamed Yuusuf.

Waxaa xusid mudan in madaxweyne Deni uu liiska aqalka sare ku daray siddeed gabar, oo saddex kursi si gaar ah loogu xiray, oo ay ku iyaga uun ku tartamayaan, halka labo kursi ay rag kula tartami doonaan.

Dhanka kale, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Gudoomiyaha golaha wakiilada dowlad gobaleedka Puntland ayaa soo saaray ilaa 5 xubin oo ka tirsan golihiisa, kuwaas oo hoggaamin doona doorashada aqalka sare, waxaana guddoomiye u ah guddiga Xildhibaan Axmed Jaamac Cabdulle

Waxaa sidoo kale xubno ka ah Xildhibaan Sharma’arke Cilmi, Xildhibaan Cabdiraxmaan Jaabiri, Xildibaan Cabdirisaq Sahal, Xildhibaan Cabdiqani Faarax.

Murasharaxiinta aqalka sare ayaa lagu wadaa in berri oo arbaco ah ay hortagaan golaha wakiillada Puntland, iyaga oo khudabadaha jeedin doona, waxaana la filayaa in doorashada isla berri ay dhacdo.

W/Q: Cabdicaziz Gurbiye iyo Yaxye Soocadde

Goobjoog News