U bood dhigaalka

Xog: Khilaaf Ka Taagay Qeybsiga Xubnaha Guddiyada La Dhisayo ee Doorashada iyo Xallinta Khilaafaadka

Sheeko:Amniga

Wararka kasoo baxaya shirka madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada uga socda Muqdisho ayaa sheegaya in la isku khilaafay tirada iyo magacaabista xubnaha labada guddi ee la dhisayo.

Shirkan oo lagu waday in lagu dhiso guddiyada maamulaya doorashada dadban iyo midka xallinta khilaafaadka ayaa la sheegayaa in maamullada ay ka mid yihiin Puntland codsadeen in xubnaha loo kordhiyo.

Maamulladan ayaa codsaday in halkii dowlad goboleedyada ay min labo xubnood ahaayeen iyaga si gaar ah loo siiyo ilaa 4 xubnood.

Dowlad goboleedka iyo inta badan madaxda maamul goboleedyada ayaa ku qanacsan in xubnaha ka imaanaya dowlad goboleedyada ay noqdaan mid 2 xubnood, oo guud ahaan noqon doono 12 xubnood, waana sidii ay ahaayeen 2016-kii

Dhanka kale, arrimaha miiska saaran waxaa ka mid ah howlmaameedkooda, ajendaha doorashada, muddeynta iyo arrimo kale.

Arrimaha ay dadka Soomaaliyeed isha ku hayaan waa sida loo dejiyo jadwalka doorashada, maalmaha doorashada aqalka sare, golaha shacabka, madaxweynaha iyo weliba kuraasta la geynayo ama la kala dhigayo labada magaalo ee dowlad goboleedyada.

Wararka shirka iyo wixii ka soo baxa halkan kala soco.