Xog: Madaxweynaha Oromia iyo Taliyaha Ciidanka Itoobiya oo Si Qarsoodi ah u Yimid Muqdisho

Madaxweynaha kilinka Oromia iyo taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya ayaa la sheegayaa in ay booqasho qarsoodi ah ku yimaadeen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Shimelis Abdisa iyo Major General Berhanu Jula ayaa safar aan la shaacin oo qarsoodi ah ku yimid Muqdisho 15-kii bishan iyaga oo lagu waramayo iney kulan la qaateen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo saraakiil kale oo ka tirsan maamulkiisa.
Inkasta oo Villa Somalia aaney ka hadlin arrinkan, balse ilo ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in laga hadlay xaaladda dalka, doorashooyinka, ciidanka Itoobiya ka jooga Soomaaliya iyo arrimo kale.
Wixii kasoo kordha, kala soco
Goobjoog News
Raise awareness of isolation and self-isolation upon returning from epidemic areas to limit the spread of covid-19 to the community. time calculator