U bood dhigaalka

Xog:- Maxa Helay Baraha Bulshada..?

Sheeko:Amniga

Fiidnimadii isniinta, dadyowga adeegsada baraha bulshada ee ku kala sugan qeybaha kala duwan ee adduunka ayaa ka sheegtay in adeegyadii “Facebook”, “WhatsApp” iyo “Instagram” iyo aalado kale oo qeyb ka ahaa xiriirka baraha bulshada ay ku timid cillad.

Websaytka Down Detector, oo ku takhasusay dabagalka Ciladaha internetka, ayaa tilmaamay in shaqada ay hakiyeen aaladaha Facebook, Instagram iyo WhatsApp.

Websaytku waxay Tilmaamay inuu helay in ka badan 20,000 fariimood oo oa imanaya isticmaalayaasha oo aan awoodin inay jawaab ka helaan codsiyada kala duwan ee ay lawadeegeen aaladaha aan soo sheegnay.

Shirkadda Facebook ayaa ku faahfaahisay barteeda Twitter -ka inay”lasicoto in dadka qaar ay dhibaato ku qabaan isticmaalka barnaamijkeeda,waxayna shirkadu sheegtay inay ka shaqeyneynayaan sidii ay Wax walba caadi ugu soo celin lahayeen sida ugu dhaqsaha badan, ayna ka xunayihiin dhibkan.

Instagram ayaa sidoo kale ku tilmaamtay barteeda twitter -ka in “adeegsadayaasha qaarkood ay la kulmaan dhibaatooyin xagga barnaamijka ah.”

Goor dambe, websaytska arimaha internetka ee Downdetector wuxuu ayaa ku waramay in dadka isticmaala ay dhibaato kala kulmayaan adeegga taleefanka gacanta ee Mareykanka.

Bogga ayaa sidoo kale Baahiyay warbixinno ku saabsan dhibaatooyinka xaga isticmaalka oo ku yimid Twitter, Tik Tok, Telegram, Google iyo appka shiroada Amazon.

Saamiyada Facebook ayaa hoos u dhacay 5.5% saacado uun kadib markii ay ciladu ku timi baraha Faceebook “Instagram” iyo “WhatsApp”.

Sidoo kale Saamiyada Twitter ayaa hoos u dhacay in ka badan 6%, halka saamiyada Google iyo Amazon in ay lumiyeen 2%.

 

  1. GOOBJOOG NEWS.