Xog: Qodobbada Mugdi Ku Jira ee Sharciga Doorashada

Mar haddii uu aqalka sare u saarey guddi 7 xubin ah oo ka shaqeynaya sharciga doorashada, waxaa xusid mudan in golaha shacabka ay meelmariyeen sharci aan la turxaan bixin!

Goobjoog News ayaa ogaatey qodobbo mugdi ku jira oo si gaar ah loola wadaagey guddoonka golaha shacabka iyo hey’ado kale balse aaney waxbo ka qaban.

Qodobbada Waxaa Ka Mid Ahaa:

Marka laga halayey Nidaamka Doorashada waxaa loo dhigay sidan: Habka Doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal wuxuu noqonayaa nidaamka metalaadda kuraasta Baarlaamanka ee aqlabiyadda ah (Majoritarian System) oo ku salaysan tartanka halkii kursiba gaarkiis loo dooranayo (Single Member Plurality “SMP”). Habkan oo loo yaqaan horreeyaa guuleysta (First Past The Post “FPTP”) waxaa lagu kala baxayaa codka hal dheeriga ah ee tartanka kursi deegaanka.

Qodobkaas kuma cada: (1). Sidee kursi deegaan loo gaynaya mar haduusan jirin tirakoob? (2). Astaynta deegaan doorasha maxaa Gundhig u noqonaya? (3). IDPska cod maleeyihiin? (4). Qoondada haweenka see loo xaqiijin karaa

Arrinta 2-aad: Marka Axsaabta laga hadlayey waxaa ku jirta: Xisbigii ku guuleysan waaya Doorashooyinka Labada Aqal codad u dhigma boqolkiiba afar (4%) tirada guud ee cododka ama 13 xubnaha Labada Aqal wuxuu luminayaa matelaada xisbi ee labada gole ee Baarlamaanka, Xubnaha la doortayna waxay u joogayaan si madaxbannaan ama axsaab kale ayey ku biirayaan.

Mugdiga jira waa: hadii la dhaho xildhibaanada xisbigooda kasoo gudbi waaya 4% waxay ku biirayaan xisbiyo kale waxaa ka dhalan karta jahwareer

Isla sharciga doorashada waxaa ku qoran: Qof kasta oo isku diiwaan-geliya codbixiye si sharcigan waafaqsan wuxuu marayaa habka gaarka ah ee aqoonsiga qofka (Unique Biometric identification).

Waa su’aale: Hadii biometric la awoodi waayo farsama ahaan, doorasho ma jirto miyaa mise sidii laga fursan waayo loo fulina diiwangalinta.

Dhanka kale, waxaa sharciga ku jira sidan: Madaxweynaha JFS ayaa Dikreeto ku soo saaraaya maalinta doorashada muddo 15 maalmood gudahood ah oo ka bilaabata maalinta ay GMDQ soo jeediyeen.

Halkan ma cadda: Haduu madaxwaynaha ka dib dhaco digreerada 15ka maalin gudahood maxaa dhacaya?

Marka waqtiga laga hadlayey waxaa qoran: GMDQ waxay go’aan ka gaarayaan cabashooyinka la xiriira Natiijada doorashooyinka todobo maalin (7) oo shaqo gudahood oo ka billaabata maalinta xigta marka ay dhammaato codbixintu.

Waxaa muuqato in waqtiga la isku qaban doono iyo guud ahaan xalinta khilaafaadka.

Ugu dambeyntii, sharciga mugdiga ku jira waxaa ka mid ah: Xisbi kasta ee ka gudba xaddi-hoosaadka (Threshold) ku xusan Qodobka 12(8) ee Sharcigan waxuu ahaanayaa xisbi qaran, wuxuuna ku lahaanayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya tirada kuraasta uu ku soo guuleystay;

Waa su’aale: Xisbiyada aan 4% kasoo gudbin xisbiyo qaran ma ahan miya?
• Sharci doorasho inuu xisbi ka hadlo jiritaanka xisbiga sax ma ahan.

Waa inoo qeybta 2-aad:

W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye,

Related Articles

15 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW