U bood dhigaalka

Xog: Shirka Turkiga iyo Magacyada Shirkadaha Laga Cabsiqabo in Lasiiyo Rukhsado

Sheeko:Amniga

Midowga murashaxiinta madaxtiinimada Soomaaliya ayaa qoraal ay sabtidii soo saareen waxay walaac ka muujiyeen iskudeyga wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ay ku dhiiratay iney bixiso ruqsadaha baarista Shidaalka, iyagooo ku tilmaamay tallaabadaas mid dhabarjab iyo boob hanti qaran, weliba xilli doorasho iyo kala-guur uu dalka ku jiro.

Hadalkan ayaa waxaa uu yimid kadib safar la sheegay in wasiirka Batroolka iyo saraakiil kale ay ku joogaan dalka Turkiga halkaas oo ay kula shirayaan si fool-ka-fool ah shirkado daneynaya shidaalka Soomaaliya.

Haddaba, Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda la wadaageysaa shirkadaha Doonaya shidaalka:

Liberty Petroleum: Waa shirkad saldhigeedu yahay dalka Mareykanka, waxaa ay aad u daneysaa shidaalka dalalka nugul, horay waxaa ay heshiis shidaal la gashay Liberia xilli uu ka jiray Ebola, hadda waxaa ay ku jiraa shirkadaha daneynaya shidaalka Soomaaliya, waxaa ay dooneysaa 2 blocks.

Coastline Exploration: Shirkaddan oo horay loo yaqaanay Soma Oil waxaa ay tan iyo 2013-kii ku jirtay kuwa ugu horeeya ee daneeya shidaalka Soomaaliya, waxaa ay dooneysaa ilaa lix block oo ah kuwa ugu shidaalka badan Soomaaliya.

Hey’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa horay uga digtay dowladda federaalka ah iney gasho wax heshiis ah oo la xiriira shidaal inta laga dhameystirayo heshiisyada qeybiga kheyraadka taasi oo ay dowladda ogolaatay.

Goobjoog News