U bood dhigaalka

Xoghayaha amniga Maraykanka oo la kulmey jaaliyadda Soomaalida dalkaasi

Sheeko:Dalka

Waxay ahayd booqasho dhif iyo naadir ah oo xoghayaha amniga qaranka Marayka Jeh Johnson  uu ku tagay magaalooyinka Minneapolis  halkaasi oo uu kulan kula yeeshey jaaliyadda Soomaalida ee halkaasi ku nool maalinkii jimcaha ee shalay ahayd.

Booqashada ayaa lagu micneeyey  in ay tahay mid uu ku dhagaysanayo cabashooyinka ay qabaan dadka Soomaalida ee sida aadka ah u degaameysey dalkaasi Maraykanka.

Kulan balaaran oo lagu qabtay xarunta bulshada ee Boyle Centre ayaa Soomaalida waxa ay mas’uulkani u gudbisey cabashooyin ay ka mid yihiin in dadka Soomaalida lagu dhibo garoonka dayuuradaha Minneapolis , waxayna sheegeen in marka qof Soomaali la arki laga shakiyo, safka laga bixiyo, kadibna la maraanmaro oo la weeydiiyo  su’aalo.

Johnson oo ka hadlayay kulanka uu la yeeshey Soomaalida ayaa yiri “Dadka waxa ay door  bidaan in ay aadaan magaalada Chicago, garoonka halkaasi ku yaalana ay ka duulaan, sababtuna ay tahay dhibaatada halkani ka jirta”, ayuu yiri “Aniga jawaabtaydu waxay tahay, arrinkaasi xalkeeda waan galaynaa” ayuu intaasi sii raaciyey xoghayaha oo xilkiisa u dhigmo wasiirma amniga dalalka kale sida Soomaaliya oo kale.

Wuxuu Soomaalida ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada iyo laamaha amniga Maraykanka “Taasi ulama jeedo ama ma noqoneyso in aad basaas tahay, ee waxaan u arkaa in aad noqoneyso qof dalkiisa iyo dadkiisa wax u qabanayo” ayuu yiri Johnson.

Mas’uuliyiintii kale ee Maraykanka ee shirkaasi ka qeybgashay waxaa ka mid ahaa xildhibaanka golaha odayaasha ama Sanate-ka loo yaqaano Amy Klobuchar iyo xeel-illaaliyaha gobolka Minnesota Andrew Luger, waxayna sheegeen in kulanka uusan ahayn mid dhibaatada uun lagu falanqeynayo, balse uu yahay kulan xalka lagu raadinayo.

“Waxaan baaris ku wadnaa dad yar oo falal-dambiyeed faraha kula jira, waxa aan baarista ku hayno ma ahan bulshada Soomaalida oo dhan, mana baari karno goobaha cibaadada” ayuu yiri xeer-illaaliye Luger.

Cabdirisaaq Biixi oo ka mid ah hogaamiyeyaasha Soomaalida ayaa yiri “Waxaan aad ugu faraxsanahay in dareenka dowladda illaa heer federal uu anaga nagu soo jeedo, la’iskuna dayayo in nalala macaamilo, waxna nalala qabto, waxaan kazoo horjeednaa in carruurteena la duufsado, maskaxdana laga badalo”

Kulankani ayaa imanaya iyada oo dhawaanahan soo baxayeen warar sheegayay in ay jiraan dhalinyaro Soomaali ah oo ka tagtay Maraykanka oo ku biirey kooxda Daacish , arrintaasi oo si weyn u walwal galisey laamaha amniga Maraykanka, kuwaasi oo bilaabay in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa dadka Soomaaalida.

Soomaalida waxa ay qabtaa in sida kaliya ee looga gudbi karo dhibaatada jirta ay tahay oo kaliya in ay wada shaqayn yeeshaan jaaliyadda iyo dowladda Maraykanka, la’iskana qabto dadka dhibka wada halkii bulshada oo dhan la waxyeeleeyn lahaa

Goobjoog News