U bood dhigaalka

Xoghayaha Dhinaca Saxaafadda Ee Aqalka Cad Ee Mareykanka Oo Laga Helay Corona Virus

Sheeko:Caafimaadka

Xoghayaha dhinaca saxaafadda u qaabilsan Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka haweeneyda lagu magacaabo Kayleigh McEnany ayaa laga helay cudur sidaha Corona Virus, sida ay ku caddeysay war rasmi ah oo ay ku soo qortay bogeeda Tiwiiter-ka.

Kayleigh McEnany ayaa sheegtay in dhawr mar oo hore laga qaaday tijaabada cudurkan, balse baaritaankii u dambeeyey uu cadeeyey inay cudurka qabto, inkastoo aysan hadda ka muuqan calaamado caafimaad darro oo wayn.

Maanta oo Isniin ah ayay qorshaynaysay inay waraysi siiso Tv-ga Fox News, balse balanta ayaa la joojiyey, ka dib markii cudurka laga helay, waxayna noqonaysaa sargaalkii u dambeeyey ee aqalka cad ka tirsan oo cudurkani ku dhaco, iyadoo Sabtidii madaxweyne Trump Isbitaal la geeyey, ka dib markii Jimcihii isaga iyo xaaskiisa laga helay Covid-19.

Marka laga soo tago madaxweynaha iyo marwada koowaad Melania Trump, waxaa jira dhowr mas’uul oo kale oo ka tirsan aqalka cad ama ka agdhow oo coronavirus laga helay, kuwaas oo ay ka mid yihiin  lataliyihii hore ee Aqalka Cad Kellyanne Conway, maareeyaha ololaha Trump Bill Stepien, Gudoomiyaha Gudiga Qaranka ee Jamhuuriga Ronna McDaniel, Gudoomiyihii hore ee New Jersey Chris Christie.

Goobjoog News