U bood dhigaalka

Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay oo Soo Gaaray Muqdisho

Xoghaayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka soo ggor dhow soo gaaray garoonka Aadan Cadde ee maagalada caasimadda  Muqdisho, waxaana kusoo dhoweeyay wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Soomaliya iyo madax kale.

Wafdigaan ka socda Qaramada Midoobe ayaa waxaa safarkooda uu ku wahjahann yihiin u kuurgalidda xaaladaha ka jira Soomaaliya ee dhanka Bani’aadannimada, waxaana lagu wadaa inuu Xoghayaha uu kulan la qaato inta uu ku sugan yahay caasimadda dalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Antonio Guterres imaatinkiisa Soomaaliya ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa iyadoo dalka wali laga dareemayo raadkii ay reebtay Abaartii ku dhufatay, walow Roobabka da’aya oo xilliga Gu’ga ah ay magaalooyin dhowr ah ay ka geysteen Fatahaado saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay dhowr jeer in Soomaaliya ay u baahan tahay gargaar caalami ah si looga hor-tago abaaraha soo laablaabta, kuwaas oo intooda badan ay sabab u tahay isbedelka Cimilada caalamka uu ku hayo wadamada ku yaalla Qaaradaha Asia iyo Afrika.

Safarka Antonio Guterres ayaa dhanka kale waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dalka intiisa badan ay howlgallo ay ka wadaan ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka, waxaana dowladdu ay sheegtay in loo baahan yahay gargaar la gaarsiiyo goobaha ay ciidku la wareegaan.

Qaramada ayaa sidoo kale waxaa sidoo kale ay ka muujisay walaac xooggan dagaalka u dhaxeeya xoogagga SSC iyo Milatariga Somaliland, kaas oo ka dhacay magaalada Laascaanood bishii labaad, waxaana lasheegay in dad ka badan 20’000 ruux ay ka baxeen magaalada iyo guryahoodii.

Antonio Guterres safarka uu kusoo garay Muqdisho ayaa ah safarkii ugu horeeyay tan iyo markii dib loo doortay madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr. Xasan Shiikh Maxmuud, waxaana inta uu joogo kulamo uu la qaadan doonaa madaxda ugu sareysa dalka iyaga oo ka wada hadlidoona arrimaha Soomaaliya.

Goobjoog News