U bood dhigaalka

Xogheyaha guud ee Jaamacadda Carabta oo Loo doortay Axmed Abuu Geyd

Sheeko:War

Axmed Abuu Geyd oo 74 jir ah, horeyna u soo noqday wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa loo doortay xogheyaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta.

Axmed Abu Geyd ayaa la doortay kadib markii la qabtay kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen dalalka Carabta, kulankan waxaa shir guddoominayey Imaaraadka Carabta, Abuu Geyd waxaa uu badalayaa Nabiil Al-Carabi oo isna Masaari ahaa.

Taariikhda Axmed Abuu Geyd oo Kooban:

Axmed Abuu Geyd waxaa uu dhashay June 12, 1942:

1964: Waxaa uu ka qalin jabiyay  Kuliyadda Tijaara ama Ganacsiga ee Jaamacadda Ain Shams.
1965:
Waxaa uu ka qalin jabiyay Jaamacadda, isagoo ku biiray wasaaradda arrimaha dibadda.

1974: Waxaa loo Magacaabay Xogheyaha Labaad wafdiga Masar ee Qaramada Midoobey

1977: Xogheyaha kooxaad ee xafiiska wasiirka arrimaha dibadda.

1979: La taliyaha xagga siyaasadda ee Safaaradda Masar ee Moscow.

1982-1985: Lataliyaha wafdiga Masar ee Qaramada Midoobey.

1992: Safiirka Masar ee Talyaaniga

1996: Kaaliyaha Wasiirka arrimaha dibadda

1999-2004 Wakiilka joogtada ah ee Masar u fadhiyay Qaramada Midoobey

2004-2011: Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar.

Ururka Jaamacadda Carabta:

Jaamacadda Carabta waxaa la Aasaasay 22-kii Maarso 1945-tii, xarurteedu waa magaalada Qaahira ee Dalka Masar, dowladaha Xubinta ka ah waa 23 dowladood, luqadda Rasmiga waa Luqadda Carabiga.

Dowladihii joogay Shirkii ka dhacay” Alexandria” ee lagu dhisay Jaamacadda Carabta waxaa ay kala ahaayeen dalalka Masar, Ciraaq, Lebanon, Syria, Saudi Carabiya iyo dalka Jordan(Urdun).

Suudaanka Koofureed waa dalkii ugu dambeeyay ee ku biiray ururka Jaamacadda Carabta June 2011 markii ay ka go’day dalka Suudaan.

Hay’adaha Jaamacadda Carabta:

Ururka Jaamacadda Carabta waxaa ay leedahay 18 hey’adood, waxaa ka mid ah: Midowga Idacadaha Carbeed, Ururka tarbiyadda, Thaqaafada iyo Culuumta iyo Accamiyadda Carbeed ee Culuumta iyo Tiknoolojiayadda iyo Badaha iyo Machadka Jaamacadda Carabta iyo ururo kale.

Soomaaliya waxaa ay ururka Jaamacadda Carabta ku biirtay 14 February 1974-tii, iyadoo noqotay wadamada lacagaha ku bixiya ururkaas jiritaankiisa.

Jaamacadda Carabta waxaa xogheye ka noqday ilaa 7 xogheye, 6 kadib ah waxaa ay ahaayeen Masaari  halka nin 7-aad uu ahaa Shaadli Qaliibi oo u dhashay Tunusia isagoo madax ka noqday  ururkan intii u dhaxeysay 1979-1990-kii.

Xogheyeyaasha  Jaamacadda Carabta ayaa kala ahaa: Cabdiraxmaan Casaam, Cabdikhaliq Xasuuna, Maxamud Riyadh, Shaadli Qaliibi, Cismad Cabdilmajid, Caamir Muusa, Nabiil Al-Carabi iyo maanta oo la doorya Axmed Abuu Geyd.