U bood dhigaalka

Xogheyaha Guud Ee Jaamacadda Carabta Oo Madaxweyne Farmaajo Uga Hambalyeeyey Doorashada

Sheeko:Dalka

Xogheyaha Guud ee jaamacadda Carabta Axmed Abuu Geyd ayaa  madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ugu hambalyeeyey kalsoonida uu ka helay baarlamaanka federaalka ah labadiisa aqal.

Abu Geyd, waxaa uu  shacabka Soomaaliyeed sidoo kale ugu hambalyeeyay shaqadan dhameystirka u ah hey’adaha dastuuriga ah ee dalka taaso oo muujineysa in shacabka Soomaaliyeed horey tallaabo ugu qaadey dimoqoraadiyad, amni iyo xasillloni ka hirgasha dhammaan dalka.

Maxamud Cafiifi, afhayeenka xogheyaha guud ee Jaamacadda Carabta waxaa uu carrabka ku dhuftey in xogheyaha guud Abu Geyd uu uga mahadceliyey madaxweynihii hore Xasan Sheekh shaqadii wanaagsaneed ee uu dalka ka qabtey muddadii uu xilka hayey iyo sida uu u aqbaley natiijada doorashada ka soo baxdey, isagoo intaa raaciyay in Jaamacadda Carabta  ay korjooge ka aheyd doorashada golayaasha sharci dajinta iyo tan madaxweynaha.

Ugu dambeyntii, Xogheyaha guud Jaamacadda Carabta Axmed Abu Geyd waxaa ballan-qaadey in Jaamacadda Carabta ay sii wadi doonto taageerada ay dowladda Soomaaliya ku siiso dhismaha hey’adaha dastuuriga, dimoqoraadiyadda iyo sidii loo dabooli lahaa baahida iyo danaha umadda.

Goobjoog News