U bood dhigaalka

Xogihii udambeeyay Maraykanka oo codsaday in loo ogolaado Daadguraynta muwaadiniintiisa ku sugan Kabul, iyo Daalibaan oo la Waaregaysa Caasimadda kadib mudo 20 sano ah.

Sheeko:Amniga

Geedi -socodka burburkii dowladnimo ee Afgaanistaan iyo dib uqabasahda Daalibaan ee dalkaasi ayaa ku dhow heer gaban gabo ah, iyadoo dagalaamyaasha islaamiyiintu soo gareen duleedka caasimadda Kabul.

sida laga soo xigtay wakaaladda “Reuters , Wasaaradda Arrimaha Gudaha Afgaanistaan ayaa ku dhawaaqday maanta oo Axad ah, in mintidiinta “Taliban” ay bilaabeen inay ka soo galaan caasimadda dhinac walba.

Wakaaladda wararka Ruushka ee “Novosti” ayaa soo daabacday warbixinno ku saabsan in cutubyo katirsan Daalibaan ay qabsadeen Jaamacadda Kabul, oo ku taal galbeedka magaalada, isla markaana ay calankooda ka taageen ugu yaraan mid ka mid ah xaafadaha caasimadda, iyada oo ay jiraan warar sheegaya in dhismayaasha dowladda si degdeg ah looga saaray mas’uuliyiinta.

Dhankeeda Wakaaladda Turkiga ee “Anadolu” ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan “Daaliban” ay la wareegeen xaafadaha ku xeeran caasimadda Kabul.

Dhinaca kale, madaxtooyada Afgaanistaan ayaa barteeda Twitter -ka ku sheegtay in Kabul aysan lakulmin wax guluf ah. Madaxtooyadu waxay tilmaamtay in laamaha ammaanku ay si wada jir ah ula shaqaynayaan saaxiibada caalamiga ah, iyada oo ujeedaduna tahay xaqiijinta ammaanka magaalada, waxa ay madaxtooyadu ku nuuxnuuxsatay “in xaaladda gacanta lagu hayo.”

Dhinaceeda Kooxda “Daaliban” ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay ku amartay ciidamadeeda inay “istaagaan irdaha Kabul” iyagoo aan isku dayin inay galaan magaalada, taso ay gol ledahay inay ka fogaadaan rabshadaha, iyagoo ku nuuxnuuxsaday inaysan “doonayn inay ku galaan magaalada xoog iyo dagaal, laakiin ay doonayaan in ay si nabad ah kula wareegaan ” Dhanka kale, sii hayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Afgaanistaan Abdul Sattar Mirzakul ayaa ku sheegay muuqaal la duubay uu baahiyay kanaalka “Tolo News” in magaalada Kabul aysan ku dagaalami doonin oo si nabad ah loogu wareejin doono “Daalibaan”, isagoo carabka ku adkeeyay in ciidamada ammaanku ay wali ka shaqeynayaan sugidda amniga Caasimadda.

Bayaanka Daalibaan waxa lagu xusay in ay socdaan wada xaajoodyo lagu bilaabayo geeddi-socod ku -meel -gaar ah oo ay kula wareegayaan Kabul, iyada oo maamulka madaxweyne Ashraf Ghani uu mas’uul ka yahay amniga magaalada.

Daalibaan ayaa ballanqaaday inaysan beegsan doonin milateriga iyo saraakiishii hore ee maamulka madaxweyne Ghani, iyagoo ugu baaqay qof walba inuu “ku sugnaado guryigiisa oo uusan isku dayin inuu dalka ka baxo.”

Wakaalad wararka “Reuters” oo soo xigatay sarkaal ka tirsan qasriga madaxtooyada Afgaanistaan aya sheegtay in madaxweyne Ghani uu hadda wadahadallo degdeg ah la yeelanayo ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Afghanistan Zalmaay Khalil zaad iyo saraakiil sare oo ka tirsan gashaanbuurta NATO.

Isla xilligaasi, sarkaal katirsan xukuumadda Afgaanistaan ah ayaa u sheegay Associated Press in “Daaliban” ay wafdi u dirtay madaxtooyada si ay ugala xaajoodaan wareejinta awoodda dalka, warbaahinta kalemaxaliga Afghanistan ayaa xaqiijisay warkaan.

Warbaahinta gudaha iyo dibaddaba ayaa sadaalinaysa in wadahadaladan ay ka dhalan doonaan dhisidda dowlad ku meelgaar ah oo uu madax u yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo safiirkii hore ee Afganistan u fadhiyay Jarmalka Cali Axmad Jalali, iyadoo la filayo in madaxweyne Ghani uu iscasilo saacadaha soo socda.

Hoggaamiye ka tirsan “Daalibaan” oo ku sugan Doha ayaa u xaqiijiyay “Reuters” in Mullah Abdul Ghani Bar adir, oo ah ninka labaad ee ugu awooda badan Daalibaan uu isku diyaarinayo inuu ku laabto Afgaanistaan, iyada oo la filayo inuu ka qaybqaato wadatashiga wareejinta Talada dalka. Wargeyska New York Times oo soo xiganaya sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa sheegay in ergeyga Washington uqaabilsan afgaanistan ee Khalil zaad uu ka codsaday Taliban in aysan soo gelin Kabul inta aan la soo gabagabeynaynayo hannaanka daad-gureynta muwaadiniinta Mareykanka iyo sidoo kale Afgaanistaaniyiinta laso shaqeeyay maamulka maraykanka, isagoo ergaygu tilmaamay in hannaankan laga yaabo in lagu daabulo in ka badan 10,000 Qof.

Wargeyska New York Times oo soo xiganaya sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa sheegay in ergeyga Washington Khalilzad uu ka codsaday Taliban in aysan soo gelin Kabul haddii aan la soo gabagabeynin hannaanka daad-gureynta muwaadiniinta Mareykanka iyo Afgaanistaan ee la shaqeynaya maamulka Mareykanka magaalada, isagoo tilmaamaya in hannaankan laga yaabo waxaa ku jira in ka badan 10,000 Qof.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo xigatay sarkaal ka tirsan Daalibaan isagoo sheegay in kooxdu ay u oggolaanayso Madaarka Kabul inuu shaqadiisa sii wato, isagoo intaas ku daray in isbitaallada magaalada aysan sidoo kale joojin doonin shaqada. Sarkaalka ayaa sheegay in xubnaha ciidamada dowladda ay ku laaban karaan guryahooda, halka ajaanibta ku sugan Kabul ay qasbanyihiin inay dalka ka baxaan, haddii ay rabaan, ama in ay iska diiwaangeliyaan xafiisyada saraakiisha maamulka ay soo magacaabaan daaliban.

Sarkaal Mareykan ah ayaa wareysi uu siiyay “Reuters” ku sheegay in xubnaha ugu badan ee shaqaalaha Mareykanka ee Kabul ay hadda ka shaqeynayaan garoonka diyaardaha, isagoo tibaaxay in ka yar 50 shaqaale ah oo ka tirsan safaaradda Washington ay magaalada ku suganyihiin xiligan .

Isbeddelladaan kaso cusboonaday caasimadda Kapul aya liddi ku ah dadaalada Washington oo weli sii wada howsha daad -gureynta shaqaalihii safaaradeeda ee caasimadda Afgaanistaan.

Goobjoog News