U bood dhigaalka

Xogta Daahsoon ee Diyaaraddii Lagu Soo Riday Bardaale

Sheeko:Dalka

45 maalin ayaa laga joogaa diyaaddii ku dhacday Bardaale, tan iyo xilligaas ma jirin cid sheegatay masuuliyadda shilkaas inay, lama oga natiijadii baaris ay sameeyeen guddiga saddex geesoodka ahaa iyo dadaallada la sameeyay.

Goobjoog News waxay baaris ku sameysay sababta keentay dhicitaanka diyaaradda, annago la hadalnay ehelada dadkii diyaaradda ku dhintay,  shirkadii lahayd diyaaradda, xubno ka tirsan guddiga baadhista ee saddex geessoodka ah, wasaaradda duulista ee Soomaaliya iyo dad goobjoogayaal ah. Waxaa is weydin mudan, maxayse dowladda uga aamustay shilka? ma la helay sanduuqii madoobaa ee diyaaraddu oo laga heli karo xogta sidii ay diyaaradu u dhacday? sido kale yaa ka masuul ah shilka?.

Dhicista Diyaaradda:

May 4th  2020  saacaddu markay ahayd 15:30 pm ayay diyaarad xamuul ah oo nuuceedu yahay Embraer 120, numbarkeeda diiwaan-gelintuna ahaa 5y-AXO lagu soo riday garoonka diyaaradaha ee degmada Bardaale halkaa oo ay u sidday qalab caafimaad.

Wasaaradda Duulista Dowladda Soomaaliya ayaa soo-saartay warqad ay ku sheegayso inuu dhacay shil diyaaradeed ayna sameyn doonto baaritaan iyada oo aan faahfaahin ka bixin dadka ku dhintay iyo cidda ay u rarneyd diyaaraddu.

Diyaaradda dhacday ayaa waxaa lahaa shirkadda African Express waxayna ka diiwaan gashaneyd dalka Kenya, laanta socdaalka hawada ee Kenya oo warqad soo-saartay May 5th 2020 ay ku sheegeyso inay heyso xogta dhicidda diyaaradda ayna ku dhinteen 6 ruux, iyada oo intaa ku dartay inay xiriir la sameyn doonto laamaha ay quseyso ee Soomaaliya.

May 5th 2020 war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada Kenya ayaa lagu sheegay inay labada Madaxweyne Uhuru iyo Farmaajo ka wada hadleen baaris lagu sameeyo shilka diyaaradeed ee Bardaale, dhanka kale dowladda Soomaaliya aya sheegtay in la sameynayo guddi saddex geesood ah, Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya.

War qoraal ah oo ay AMISOM soo-saartay May 5th 2020 ayay ku sheegtay in diyaaradda dhacday markii ay dageysay ay ka degtay jiho qaldan, waxayna ku dartay warbixintu intaa in ay halkaa joogeen ciidammo aan ahayn AMISOM oo Itoobiyaan ah. Sidoo kale waxaa warbixinta lagu xusay inay shilka ku dhinteen shaqaalaha diyaaradda oo ahaa shan qof una kala dhashay Kenyan oo 3 qof ah iyo 2 qof oo Soomaali ah.

Marka la eego waraaqaha ka soo kala baxay Kenya iyo AMISOM waxaa ka muuqata kala duwanaanta khasaaraha dhimasha ee ka dhashay dicidda diyaaradda, dowladda Soomaaliyana ma sheegin tirada dadka ku dhintay diyaaradda.

Diyaaradda dhacday oo xamuul  ahayd ayaa sababtay dhimashada lix qof oo kala ah:-

Cali Xasan Cabdi – Soomaali

Saciid Cabdi Maxamed – Soomaali

Omar Abdalla Jamal – Kenyan

Mabrouk Islam Mabrouk – Kenyan

Hassan Amir Musa – Kenyan

Charles Nganga – Kenyan

Xiriir ay Goobjoog la sameysay qaar ka mid ah ehelka iyo qareennada marxuumiintii ku dhintay diyaaradda ayay dhammaan isku raaceen ineysan jirin cid ka socota dowladda Soomaaliya ama guddiga baarista oo la wadaagtay xog ku aaddan dhicista diyaaradda,iyo cidda riday.

Cabdullaahi Xasan Cabdi oo ah ehelada mid ka mid ah dadkii ku dhintay  shilka diyaaradeed ee Bardaale ayaa yiri “ dowladdii aan ka tirsaneyn illaa hadda nooma tacsiyeyn, meynan na soo raadin wey iska amusan yihiin, wax ay noo qabteenna ma aragno, waxaana u baahan-nahay caddeyn maaddaama ay dhibaato dhacday oo dhibaatadaas la geystay qofkiina uusan soo noqoneyn, laakiin waa in aan helno dadkii qaladka geystay iyo inaan helno magdhaw Ayaan dalbaneynaa”.

Goobjoog oo xariir la sameysay masuuliyiin ka tirsan shirkadda African Express ayaa ogaatay ineysan jirin xog rasmi ah oo ay dowladda Soomaaliya  la wadaagtay shirkadda, waxayna intaa ku dareen inay cabsi iyo walwal ka qabaan inay waayaan caymiska ay shirkaddu ku jirtay sabab la xadhiidha dowladda oo aan war rasmi ah ka soo-saarin sida diyaaraddu u dhacday iyo cidda leh masuuliyadda shilka dhacday. Mas’uul qariyay magaciisa oo ka tirsan African Express ayaa yiri “ waxaan wali dowladda ka la’nahay xitaa warqad noo qora  aad ku caddeyneysaan in diyaarad lagu soo riday Bardaale, si aan u helno xaqa dadkii ku dhintay diyaaradda”. Sidoo kale waxuu sheegay ineysan jirin wax warbixin ah oo ay shirkaddu ka heshay guddiga baarista iyo wasaaradda.

Goobjoog news waxay sidoo kale xiriir la sameysay xubin ka tirsan guddiga baarista oo aan magaciisa qarinay sababo amni dartood ayaa noo sheegay in la kala diray guddigii baarista ee ka koobnaa dowladaha Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya taariikhdu markey aheyd May 24th 2020. Waxa uuna intaa noogu daray inay guddigu warbixin u gudbiyeen Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar.

Goobjoog oo xubinta guddiga hor dhigtay su’aal ah maxaa ka jira wararka sheegaya in guddiga baarista aysan helin sanduuqa madow ee diyaaradda ayaa ka meermeeray inuu si cad uga jawaabo waxa uuna ku gaabsaday inay guddigu gudbiyeen warbixin loona sheegay inaysan ka hadlin arrinkaas, isla su’aashaan ayaan weydiinay mas’uul sare oo ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxa uuna warkiisa ku soo koobay “waa la heli karaa waana la weyn karaa”.

Xidhiidh aanu la sameynay wasiirka duulista Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Oomaar ayuu noosheegay in aysan weli dhameystirney warbixinta, balse waxuu ka gaabsaday inuu ka jawaabo in la kala diray guddigii uuna hayo warbixinta ay soo diyaariyeen guddiga.

Xog ay heshay Goobjoog ayaa muujineysa in ciidanka Itoobiya maamulayeen hawada inta u dhaxaysay Baydhaba iyo Bardaale.

Faadumo Xasan Buulo oo ka mid ah dadka deegaanka Bardaale oo la hadahsay Goobjoog ayaa xaqiijisay iney maqashay dhawaqa rasaas ka hor inta aysan diyaaraddu dhacin.

Weydow Cali Xasan guddoomiyihii hore ee degmadda Bardaale ayaa yiri “ cagadhigashadii diyaaradda waxay aragtay ciidan ku jira garoonka, markay kor u kacday gaari suug ah (lidka diyaaraddaha) oo meesha joogay ayay dulmartay gaarigiina xabad ayuu la helay sidaa ayay diyaaradda ku soo dhacday”.

Soomaaliya ma la ha sharciga maamulka hawada, baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay sharciga Febaraayo 10th 2020, waxa uuna horyaalaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Su’aalaha u baahan jawaabo xaqiiqo ah

  1. Maxaa ka hor-taagan Dowladda Soomaaliya in ay soo gudbiso warbixinta dhabta ah ee diyaaradda lagu soo riday Bardaale?
  2. Yaa iska leh masuuliyadda dhicitaanka diyaaradda? Yaa lagu leeyahay magdhawga iyo qasaaraha maaliyadeed ee soo gaaray shirkadda African Express?
  3. Waa maxay Saameynta ay ku yeelaneyso duulimaadyada Soomaaliya soo dhicidda diyaaradda African Express?
  4. Ma run baa in aan la hayn sanduuqii madooba ee diyaaradda?