U bood dhigaalka

Xogta Goobjoog: Dowladda Federaalka ah oo Xaqiijisay Furnaashiyaha Xabsiga Godka Jilacow

Sheeko:Amniga

Tan iyo markii  ay Goobjoog News ay daabacday in uu weli furanyahay, shaqeeyana  xabsiga Godka Jilacow waxaa isa soo tarayey xaqiijinta arrintan la xiriira.

Qaar ka tirsan hey’adaha dowladda federaalka ah oo lasoo xiriiray Goobjoog News ayaa xaqiijiyey inuu Godka Jilacow  uu haatan xarun u yahay NISA-da gobolka Banaadir isla markaana si KMG ah dadka laga shakiyo lagu baaro,  su’aalo lagu weydiiyo, laguna xiro inta ay baaristu socoto.

Arrintan ayaa si cad uga hor imaaneysa hadalkii dowladda federaalka ah ee ahaa inuu xabsigaasi xiran yahay, did dambe aan loo fureyn, loona isticmaali karin sidii hore.

Dhanka kale, Goobjoog News ayaa la hadashay qaar ka tirsan dad qaab dambi baaris ah loo geeyey bishii tagtay xabsiga godka Jilacow, kuwaas oo sidoo kale sheegaya iney indhahooda ku arkeen dad xiran iyo xabsiga oo caadi u shaqeeyo.

Arrimaha aan ogaanay inta aan baarista wadnay waxaa ka mid ah xabsigan ay adeegsadaan hey’adda nabadsugidda gobolka Banaadir.

December 16,2018: Xaflad ay goobjoog ka ahaayeen wasiirada cadaaladda iyo amniga ee DF ayaa si rasmi ah loogu xiray xabsiga godka Jilacow iyada oo la shaaciyey in loo badalay akaademiyadda Jilicow oo lagu tababari doonno NISA.

Hey’adaha amniga  ee dowladda federaalka ah ayaa ka baxay balantii ay qaadeen wasiirrada iyaga oo soo xeliyey shaqada xabsigii, lamana oga sida ay dowladda ka yeeli-doonto.

Goobjoog News