U bood dhigaalka

Xogta Goobjoog: Maxaa Loo Istaajiyey Wejiga 2-aad ee Dib-u-habaynta Ciidamada Xoogga Dalka?

Sheeko:Amniga

Waxaa la istaajiyey wejiga 2aad ee qorshaha dib-u-habaynta ciidamada xoogga dalka, kaas uu ra’isul wasaaraha DF ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre daahfuray 24-kii bishii June 2019-kii.

Hawsha oo bil socotay, lagana bilaabay taliska ururka 60-naad ee ilaalada madaxtooyada ayaa si lama filaan ah loo istaajiyey iyada oo aan la sheegin sababta iyo weliba haddii dib loo bilaabayo iyo in kale.

Ujeedka wejigan waxaa uu ahaa in la gaaro in ka badan 30 kun oo ciidan ah, oo inta aan la istaajin waxaa shaqo loo qabtay uun  130 askari.

Sida ay Goobjoog News u sheegeen ilo xog-ogaal ah, wejiga 2-aad ayaa uu ahaa mid xaqiijin ah isla markaana wax badan looga ogaanayo askariga, caafimaadka, qoriga iyo guud ahaan xaaladiisa, waxaa uuna daba socdaa wejiga 1-aad ee ahaa , tirakoobka iyo dejinta nidaamka mushaar bixinta CXDS oo ciidamda lagu siiyo xisaabaadkooda Bankiyada.

Haddaba, Wejigan Maxaa La Qaban Lahaa:

Wejiga 2aad ee qorshaha dib-u-habaynta ciidamada xoogga dalka, waxaa loogu talo-galay inuu socdo 6 bil, waxaana lagu tagi lahaa dhammaan xarumaha iyo talisyada kala duwan ee ciidamada si loo hubiyo

1. Inuu askariga ku jiro habka casriga ah ee biometric.

2. In wasaaradda Maaliyadda diiwaankeeda uu ku jiro.

3. Diiwaangelinta hubka iyo cidda leh, shakhsi, beel mise NISA.

4. Caafimaadka askariga oo la baarayo si loo ogaado xaaladda caafimaad.

5. Shaqada iyo Shaqaalaha: Waxaa lagu daray in marka la marsiiyo dhammaan imtixaannada loo baahnaa, lana xaqiijiyo qeybaha maaliyadda iyo caafimaadka, go’aan laga gaaro shaqadiisa, waxaa la ogaaday iney jiraan qaar da’a ah oo is yareeya, qaar hawl-gab ah oo shaqada ku jira iyo qaar kale oo sheegta garaado iyo arrimo kale oo been ah.

Mashruucan  ama wejiga 2aad ee qorshaha dib-u-habaynta ciidamada xoogga dalka oo ay maalgeliyeen hey’ado caalami ah, kuna xiran qaabeynta ciidamada xoogga dalka ayaan la isweydiinayaa sababta loo istaajiyey, ilaa hadda taliska xoogga dalka, madaxtooyada ama xafiiska ra’isul wasaaraha ma jirto cid ka hadashay, oo sida daahfurkiisa loo shaaciyey, looma shaacin sababta loo istaajiyey? Ma fashilmay mise dib ayaa loo bilaabaa?

Goobjoog News