U bood dhigaalka

Xogta Goobjoog: Xabsiga Godka Jilacow oo Weli Furan, Shaqeeyana!

Sheeko:Amniga

Inkasta oo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay horay u shaacisay muddo haatan sanad laga joogo xirista xabsiga godka Jilacow ee magaalada Muqdisho, hadana Goobjoog News ayaa ogaatay inuu xabsigan weli furanyahay, oo dadka lagu xiro.

Xabsigan oo sababaha loo xiray markii hore lagu sheegay cabasho ka timid hey’adaha xuquuqul insaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaan la ogeyn sababta weli loo isticmaalayo.

Mas’uuliyiin sare ayaa Goobjoog News la wadaagay caddeymaha inuu xabsiga weli shaqeeyo, oo dadka lagu baaro, laguna xiro.

Dhanka kale, Goobjoog News ayaa la hadashay qaar ka tirsan dad qaab dambi baaris ah loo geeyey bishii tagtay xabsiga godka Jilacow, kuwaas oo sidoo kale sheegaya iney indhahooda ku arkeen dad xiran iyo xabsiga oo caadi u shaqeeyo.

Arrimaha aan ogaanay inta aan baarista wadnay waxaa ka mid ah xabsigan ay adeegsadaan hey’adda nabadsugidda gobolka Banaadir.

Jeneraal ka tirsan booliiska Soomaaliya oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in hey’adda booliiska Soomaaliyeed aaney wax ka ogeyn xabsiga inuu furan yahay iyo in kale.

Iskudey xiriir oo aanu la sameynay sirdoonka gobolka  Banaadir iyo hey’adda Asluubta ayaan suurogelin.

December 16,2018: Xaflad ay Goobjoog ka ahaayeen wasiirada cadaaladda iyo amniga ee DF ayaa si rasmi ah loogu xiray xabsiga godka Jilacow iyada oo la shaaciyey in loo badalay akaademiyadda Jilicow oo lagu tababari doonno NISA.

Goobjoog News