U bood dhigaalka

Xoogga Dalka oo Deegaanno Kala Wareegay Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Ciidamada Kumandoosta dowlad gobaleedka Jubbaland oo ay wehliyaan xoogga dalka gaar ahaan Danab oo iskaashanaayo  ayaa Al-shabaab kula dagaalay deegaanno hoos yimaada magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada huwanta ah  dagaallo qorshaysan ay  ku qadeen  deegaannada Canjeel, Kuba-Kibir iyo Janaay Cabdalle oo dhammaantood dhaca galbeedka Kismaayo, waxaana  dagaal xoogan kala hor yimid xoogagga Al-shabab oo muddooyinkii danbe ka talinayey deegaannadaasi.

Dagaalka ayaa sababay in dadkii ku noolaa deegaanadaasi ay bilaabaan in ay iskaga barakacaan, maadaama dhulka lagu dagaalamay uu yahay mid miyi ah ayna dagan yihiin dad reer guuraa oo xoolo dhaqato ah.

Sidoo kale Jubbaland ayaa sheegtay in goobihii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin ciidamada xoogga gaar ahaan Danab  iyo Kumaandoosta jubbaland, Al-shabaabna ay iskaga baxeen deenadii lagu dagaalamay.

Dhanka kale majiro wax war ah oo ka soo baxay Al-shabaab oo ku aadan sheegashada jubbaland iyo dagaalka ka dhaay deegaannada dhaca Jubbada hoose

Ciidama Jubbaland iyo xoogga dalka ayaa marar badan waxaa ay dagaallo kula wareegeen deegaanno dhowr ah  ayagoona ka ddo kadib iskaga soo baxa deegaannadaasi, oo mar kale ay dib u la wareegaan Al-shabaab.Image may contain: 1 person, standing, outdoor and nature

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor

Image may contain: 2 people, outdoor

Image may contain: 2 people, people standing, outdoor and nature

Goobjoog News