U bood dhigaalka

Xoogga Dalka oo Ka Warbixiyey Howlgallo Laga Sameeyey Koonfur Galbeed

Sheeko:Amniga

Ciidamada kumaandooska xoogga dalka ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen deegaanno hoos taga degmaga Buurhakaba gobolka Bay  ay ku qabteen rag ka tirsan Alshabab, sidoo kale ay ku burburiyeen xarumo ay la haayeen.

Deegaannada howlgalka ay ciidamadu ka  sameeyeen  ayaa waxaa ay kala yihiin, Buur-Heybe, Jiira-Koolow, durdurow, Saaxweyn iyo Yaq-Doomaar, kuwaas oo dhamaantood hoostaga degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay.

Sidoo kale saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ee guutada 16-aad Ee Danab waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ku qabteen Rag ka tirsan Kooxda Nabaddiidka  Al-Shabaab, Mootooyin ay isticmaali jireen iyo Agab Ciidan,

Dhanka kale sakiisha howlgalka hoggaaminaysa  waxaa ay xuseen in markii deegaannadaas ay ciidamadu gaareen ay Al-shabab ay isaga baxeen, taasna ay keentay in ay la wareegaan gadiidka mootooyinka ah sida ay sheegeen.

Howlgalkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo maalinimadii shalay taliska 60-aad ee xoogga dalka ee Koonfur Galbeed looga dhawaaqay dagaal ka dhan ah  Al-shabab oo laga fulinayo deegaannada hoos taga maaulkaasi

Goobjoog News