U bood dhigaalka

Xoogga Dalka oo Sheegay in Jilib Lagu Dilay Saraakiil Al-shabab ah

Sheeko:Amniga

Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa sheegay howlgal dhanka cirka ah oo laga sameeyey gobolka Jubbada dhexe lagu dilay saraakiil ka rtirsan Al-shabab, howlgalka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay degmada Jilib ee gobolkaasi.

Sakaashiisa ciidanka oo la hadlay idaacadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay laba sarkaal, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay Muxsin Caliyoow oo ka soo jeeda Gobolka waqooyi bari Kenya.

Waxaa sidoo kale ay sheegeen in howlgalka lagu dilay  Maxamed Sheikh kuwaasi, kaas  oo ay xuseen inuu  Al-shabab u qaabilsanaa farsameynta jaakadaha iyo Suumanka ay ay xirtaan dadka iska qarxiya sida ay hadalka u dhigeen.

Howlgalkaan dhanka cirka ah ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dhowaan dowladda Mareykanka ay sheegtay in Soomaaliya ay ka saareyso ciidamadeeda, kuwaas oo xoogga dalka ka taageera howlgallada ay wadaan.

Goobjoog News