Xoogga Dalka Soomaaliyeed: Sanad Guurada 58aad

Maalin dhawayd waxaan wargayska Smallwarsjounal ka aqriyay maqaal dheer oo uu qoray buuni (Professor) Maraykan ah oo la dhaho Qoyle Quiggle. Buunigan wuxuu macalin ka yahay kasmada dagaalada ee Jaamacadda Washintoon, sidoo kalana wuxuu cashiro siiyaa saraaakiisa Ciidmada Marykanka ee jooga Bariga Afrika, gaar ahaan Dalka Djbouti.

Qormadan oo aad u dheer ayuu kaga hadlayaa maraxaladihii uu soo maray ciidanka qaranka Soomaaliyeed. Laakiin waxaa si gaar ah ii soo jiitay qaybta uu kaga hadlayo markuu ugu fiicnaa ciidanka xoogga Soomaliyeed. Xilligaas oo ahaa toddobaatanaadkii qarnigii aan soo dhafnay. waqtigaas ayuu buunigu sheegayaa in ciidanka Soomaliyeed ka mid ahaa ciidamada ugu fiican qaarada Afrika. saraakiish Ciidamada xooggu waxay tababbaro siin jireen ciidmada waddamo badan oo Afrikaan ah.

Maanta 12 April. Waa malintii la asaasay ciidanka xoogga Soomaaliyeed. Waxaa loo taaganyahay xuska sanad-guurihii 58 ee ka soo wareegay yagleelidda XDS.

Astaamaha ugu weyn ee uu dal yeesho ama harsado waa ciidankiisa. Haddab su’aasho waxay tahay xaalad noocee ah ayuu ku sugan yahay ciidankeeno maanta?

Toddobaatanaadkii, sida la iskaga markhaati kacsanyahay waxaan lahayn mid ka mid ah ciidamada Afrika ugu fiican laakiin ciidankaas lama calfan. Dagaalkii aan Itoobiya la galay 1977, dowladdii markaas jirtay oo ciidmadda dagaalo sokeeye galisay sida dagaaladdii waqooyi 1988-1991, iyo Dagaaladdii sokeeye ayaa xiddida u siibay ciidankii barigaas hana qaaday.

Ka hor inta dowladdii ciidanka ahayd aysan dagaal sokeeye u isticmaalin XDS, waxaa dhacday in saraakiishii aqoonta la ahayd ee kasmooyinka dagaalka ka soo baxay ay ka goostaan ama kala cararaan ciidanka. Sababta ayay ahayd in aysan ku qanacsanayn sida dowladdaas ay u isticmaalaysay ciidanka.

Dagaaladdii sokeeye iyo sagaashamaadkii wixii ka danbeeyay marna ma suurta galin dibo u dhisadda Ciidan nidaamsan, xirfad iyo kala danbayn leh oo Soomaali uu dhan ku kalsoontahay.

April 16, 2017 shir sedex maalin socday oo Golaha amnigu qaranku (Dowladda Federalka iyo dowladda Goboleedyada) yeeshay ayaa waxaa ka soo baxay heshiis hanaanka cusub ee dibu u dhiska ciidanka Soomaliyeeed (Somali Security Architecture) heshiiskan oo markii danbe bishii May 2017 shirkii London lagu soo gabagabeeyay ayaa dhigaya sidan. Halkan ka aqriso heshiiska.

Ciidmada Soomaliya waxay tiradoodo noqonaysaa 18,000, halka Boolisku noqonayo 32,000. Ciidamada 18 kun ah 4500 oo ka mid ah waa kumaandoos. Ciidamadan waxaa taliye u ah Madaxweynha Jamahuuriyadda Soomaaliya.

Sida heshiiskan ku qoran muddo lix bilood ah oo kaga bilaabanaysa June 2017 ayaa ciidanka lagu dhisayaa.

Wali inta aan ogahay wax talaabo ah lagama qaadin fulinta heshiiskaas lagu balamay in uu geedi socod u noqodo dhismaha jiilka labaad ee ciidanka xoogga Soomaliyeed.

sideedii sano ee u danbaysay madaxada iyo hay’adaha qaranka kuwooda ugu xasaasisan waxaa ilaalinayay ciidmo shesheeye. Laakiin ka hor dhisma ah ciidan Soomaliyeed waxaa loo baahnayahay in aad loo fikiro, su’aalo badana la iswaydiiyo.

Tusaale, sanad guuradan waxay ku soo adday ayado oo mashaqo siyaasadeed soo dhamaatay. Taliyaahsa qaybaha kala duwan ee ciidanka iyo booliska ayaa qayb ka ahaa mashaqadaas kadib markii ay si cad ula safteen xukuumdda, guddoomiyihii xilka iska casilayna eedeeyeen; ciidamadii ilaalada u ahaana guddoomiyaha Golahaha shacabka kuwana waa ka qaadeen , kuwna waa xireen.

Sida ku cad dastuurka ku meel gaarka wuxuu sheegyaa in ciidanku oo ka caaganyahay soo faragalinta arimaha siyaasadda ee dalka.

Ciidanku haddi aan shuruuc adag loo samaynin in uu dhismo macna wayn ma keenayso taas waxaa daliil fiican u ah, waxaan lahayn mid ka mid ah ciidmadii Afrika ugu fiicanaa laakiin si khaldan oo siyaaasadda loogu isticmaalay ayuu ku burburay dalkiina ku burburiyay.

Haddii siyaasi uu awood u yeesho in uu u isticmaalo ciidanka dano siyaasadeed taliyaashiisuna ka yeelaan ciidan qaran ma ah.

Haddaba, su’aasho waxay tahay ma waxaan ka hadalnaa in aan ciidan dhisano misa waxaan ka horaysiinaa qaabka uu ciidaankaas u shaqayn doono iyo wax loo isticmaali doono.

Ahmed Abdihadi

Freelance Journalist and Political Commentator.

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan

Si, Goobjoog News u soo daabacdo fakirkaaga…..fadlan ku soo dir; info@goobjoog.com