U bood dhigaalka

Xoogsato dibad bax ka dhigay agagaarka dekeda Muqdisho

Sheeko:Dalka
Dekeda Muqdisho
Dekeda Muqdisho

Qaar ka mid ah xoogsatada dekadda magaalada Muqdisho ayaa maanta dibad bax ka dhigay nawaaxiga dekada magaalada Muqdisho.

Xoogsatadan ayay ka cabanayeen dibad baxooda shirkad shisheeye oo la wareegtay hawshii ay ka hayeen dekadda magaalada Muiqdisho.

Dibad baxooda ayay kaga dalbadeen xoogsatadan dowlada Federaalka Soomaaliya in ay wax ka qabtaan caqabadaha ku hor gudban shaqadooda.

Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Al-bayraak ayaa maamusha dekadda wayn e Muqdisho.

Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kol hore mooshin ka keenay hannaanka ay ku shaqeyso shirkada Al-bayraak, taas oo ay ku sheegeen in uu qaldanaa nidaamka ay uga howl gashay dekeda Muqdisho.

Hoos ka dhageyso codka qaar ka tirsan dibad baxayaasha: