U bood dhigaalka

Xoolo Badan Oo Ku Dhamaaday Roobab Ka Da’ay Deegaanno Ka Mid Ah Gobalka Bari

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan gobalka Bari qaarkood oo socdaal ku tagay deegaanno ka mid ah gobalkaasi oo dhawaan roobab wata Dabaylo ay ka da’een ayaa sheegay in khasaare badan uu ka dhashay roobabkaasi.

Garaad Daad Saciid Yuusuf Diiriye oo ka mid ah waxfaradkani ayaa u sheegay Goobjoog News, in ay soo arkeen xoolo badan oo ku dhamaaday daadadkii roobka, kuwaa oo tiro ahaan gaaraya 700, sidoo kalena ay halkaasi ku baaba’een in ka badan 20 beer oo dalagii ku beernaa biyuhu la tageen.

Deegaanada ugu daran ee khasaaraha uu gaarsiiyay roobabkaasi da’ay ayaa waxaa ka mid ah Seen-yar, Seen-weyn iyo tuulooyin kale oo badan kana mid ah gobalka Bari.

“Annaga oo doonayna inaan ogaanno xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaanadaasi ayaan qaadannay doon, ileen gaadiid ma socon karee, waxaan la kulannay dad badan oo dhibban, waxaan aragnay xoolo ka badan 700 oo ari ah, misane ku dhamaaday daadkii ka dhashay roobabkii da’ay, beero badan ayaa sidoo kale biyuhu la tageen, dadkii shalay wax haystay maanta eber ayeey ka taagan yihiin, waxaana rabnaa in bulshada Puntland usoo gudbinno xaqiiqda waxa ay tahay” ayuu yiri Nabadoonka.

Waxaa socda gurmar xooggan oo la doonayo in lagu gargaaro dadka ay saameeyeen roobabka iyo Duufaanta isla socota ee ku dhuftay deegaanno ka mid ah gobalka Bari ee Puntland.

Horay waxaa looga digay roobabka El Nino oo deegaanno ka mid ah Soomaaliya ka da’a waxaana hadda muuqata astaamo horudhac u ah El Nino oo lagu arkayo gobalada dalka qaar.

Goobjoog News