U bood dhigaalka

Xoolo Dhaqatada Gobalka Gedo Oo Ka Barakacaya Deegaanno Ka Mid Ah Gobalkaasi

Sheeko:Dalka

Wararka Goobjoog News ay ka helayso deegaanno ka mid ah gobalka Gedo waxay sheegayaan in halkaasi ay barakac ka billaabeen qaar ka mid ah dadka xoolo dhaqatada ah.

Xoolo dhaqatadaan ayaa aad uga fogaanaya dhammaan deegaanada uu maro wabiga Jubba, ka dib markii ay ka baqeen in wabiga uu kusoo fataho, arrimo la xiriira roobab dabeylo wata oo da’a iyo Wabiga oo fataha.

Meelaha ugu badan ee xoolo dhaqatadaan ay ka barakaceen waxaa ka mid ah degmada Baardheere ee Gedo, sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

“Dadka xoolahooda waxay kala dheeraanayaan Wabiga si aysan dhibaato ugu imaan hadii fatahaad ay timaado, cabsi ayaa maalmahaan iska jirtay, roobabkii deyrtana meelo ka mid ah dalka wey ka billawedeen” sidaa waxaa yiri qof ku sugan Baardheere.

Waxaa maalmahaan dambe isa soo tarayay digniinta laga bixinayo fatahaad uu sameeyo wabiyada Jubba iyo Shabelle, ka dib markii la sheegay in ay soo wajahan yihiin roobab dabeylo wata.

Goobjoog News