U bood dhigaalka

Xoolo Dhaqatada Gobalka Gedo Oo Ka Barakacaya Duqeynta Diyaaradaha Dagaalka Kenya

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobalka Gedo ayaa waxay sheegayaan in xoolo dhaqatadii ku dhaqnaa gobalkaasi ay billaabeen inay ka barakacaan deegaanadoodii kadib duqeymo ay maalmahani halkaasi ka wadeen diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya.

Meelaha ugu badan ee dadkani ka barakacayaan ayaa ah deegaanno ku dhaw degmooyinka Baardheere, Ceelcadde iyo Garbahaarey.

Dadka ayaa kala aaday degmooyin ay ka mid tahay degmada Baladxaawo, kadib markii ay sheegeen in dhibaato badan ay kala kulmeen diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya.

Qaar ka mid ah dadkani oo la hadlay Goobjoog News  ayaa sheegay in shacab iyo xoolo badan ay ku dhinteen duqeymaha ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka geysteen gobalka Gedo.

Wixii ka dambeeyay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen ciidanka Kenya ee ku sugnaa deegaanka Ceelcadde waxaa isa soo tarayay duqeymaha ay diyaaradaha Kenya ka geysanayaan gobalka Gedo.

Shalay waxaa xildhibaannada baarlamaanka Federaalka loo qeybiyay qaraar ka dhan ah duqeynta diyaarahada Kenya ee Gedo.

Goobjoog News