U bood dhigaalka

Xoolo Dhaqatada Gobalka Gedo Oo Xoolahooda Ula Guuray Goballada Jubooyinka

Sheeko:Dalka

Qoysas ka badan Kun islamarkaana Xoola dhaqato reer guuraa ah , kana kala imaanaya qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka iyo dhulka miyiga ah ayaa waxay billaabeen 3-dii Todobaad ee ugu dambeeyey in ay u hayaamaan deegaanno ka tirsan Gobolada Jubbooyinka oo ay deriska yihiin gobolkan, iyadoo ulajeedka Xoolo dhaqatadani ay tahay sidii Xoolahooda ay u heli lahaayeen biyo iyo baad ku filan inta lagu jiro jilaalka.

Xoolo dhaqatada oo aan kula kullannay Buundada Baardheere ayaa sababta ay ugu socdaan Gobolada Jubbooyinka waxay ku sheegeen daaqii iyo Biyihii ay ka heli jireen Gobolka Gedo oo aad u yaraadey, roob yaraan darteed, daaqa iyo Biyaha ay ka helayaan Deegaanno ka tirsan Gobollada Jubbooyinka oo Xoolo dhaqatada gaarsiinaya illaa roobabka la filayo in ay da’aan xilliga Gu’ga.

Maxamed Faarax Cali waa Aabe qoyskiisu uu ka kooban yahay 10 ruux, da’diisu ay tahay 50 jir ,waxaana uu ka mid yahay Xoolo dhaqatada deegaanno ka tirsan Baardheere ee u hayaamaya Gobolka J/dhexe.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu wato ilaa 120 neef oo geel ah, waxaana weydiiyey sababaha ku dhaliyey inuu xoolahii ula hayaamo iyo mudada ay ku qaadan karto inuu gaaro deegaanka uu u socdo, waxaana uu hoosta ka xariqay in deegaanadii uu ku sugnaa uu jiilaal ka jiro, xooluhuna u baahan yihiin meel ay u naq raacaan.
Goobjoog News