U bood dhigaalka

Xowthiyiinta Oo Dilay Ciidamo Suudaaniyiin Ah

Sheeko:Dalka

Xowthiyiinta ayaa sheegay in ay dileen tobanaan askari oo ka tirsan ciidamada Suudaan kuwaasi oo ka barbar dagaallamayey isbaheysiga Carbeed ee uu hogaamiyo Sacuudiga.

Xowthiyiinta ayaa sidoo kale sheegay in ay burburiyeen dhowr baabuur oo ay la haayeen ciidamada Suudaan .

Xowthiyyinta ayaa waxaa gacan siiya Iran, iyaga oo gacanta ku dhigay caasimadda Yeman ee Sanca sanadkii 2014, arrintas oo keentay in madaxweyne Haadi iyo xukuumaddiisa ay ka baxaan magaalada.

Warbixinno ayaa sheegaya in Khamiistii la diray boqolaal ciidamo ah oo is kugu jira Sacuudiyiin iyo Suudaaniyiin, waxaana loo diray dhanka Waqooyi ee magaalada Sacdah si ay taageero u siiyaan ciidamada ku sugan halkaas.

Goobjoog News