U bood dhigaalka

Xubin Ka Tirsan Al-shabaab oo Iska Dhiibay Gobolka Shabeellada Dhexe

Sheeko:Amniga

Nuur Macalin Abuukar Calasow oo kamid ahaa Al-shabaab,ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan deegaanka Furqaan ee hoosyimaada Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelada dhexe, halkaas oo dhowaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay kala wareegeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Goobta lagu soo bandhigayey  waxaa ku sugnaa Taliyaha Ciidamada Dhulka Xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, Agaasimaha Waaxda Canshuuraha ee Wasaarada Maaliyadda Muxudiin Xasan Juris,Taliyaha Guutada 17aad ee Gorgor Dayax Cabdi Cabdullaahi,Taliyaha Booliska Hiirshabelle Xasan Dhicisow iyo saraakiil kale oo ku sugnaa.

Nuur oo muddo ka tirsaanaa Kooxdaan, ayaa loo soo gudbiyey Magaalada Muqdisho.Waxaa muddooyinkaan dambe soo badanaayay inay koo baxaab ,Dhallinyaro badan, kuwaas oo muddo ka barbar dagaalamayay iyaga oo xilligaan wajahaya dagaal kaga imaanaya ciidanka dowladda federalka iyo kuwa dowladda federalka iyo kuwa deegaanka.

Goobjoog News