U bood dhigaalka

Xubin Ka Tirsan Alshabaab oo Isku Dhiibay Ciidanka Dowladda

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad ayaa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay kusoo bandhigay nin la sheegay inuu ka tirsanaa Al-shabaab oo dhankooda iskusoo dhiibay, waxaana magaciisa lagu sheegay Mustaf Isxaaq Cali, waxaana Alshabaab uu ka tirsanaa muddo laba sano ah oo ka barbar dagaalamayay.

Mustafa oo hadlay kadib markii uu isasoo dhiibay ayaa sheegay inuu xoogga Alshabaab kala soo dagaalamay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliyo oo markii dambe uu iska soo dhiibay, Mustafe ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu soo tago xoogga Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ee dowladda federalka gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa dhowr jeer Koonfur Galbeed kusoo bandhigay khaqsiyaad ay sheegeen in ay kasoo goosteen Al-shbaab, kuwaas oo isku soo dhiibay soona galay gacanta ciidanka xoogga  dowladda federalka Soomaaliya.

Goobjoog News