U bood dhigaalka

Xubin Ka Tirsan Alshabaab oo Isku Dhiibay Ciidanka Xoogga

Sheeko:Amniga

Ciidanka xoogga dalka qeybtooda 60-aad ee kusugan deegaannada maamul goboleedka Soomaaliya ayaa sheegay inuu isku soo dhiibay xibin ka tirsanaa Al-shabaab, waxaana  magaciisa lagu sheegay Ibraahim Macallin Yuusuf  oo muddo ku jiray.

Ibraahim wuxuu Sheegey in sababta ku kalliftey in Al-shabab uu isaga soo baxo ay tahay dhibaatada ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, dhaca xoolaha joogatada ah ee xoola dhaqata, siduu u sheegay warbaahinta qaranka.

Ibraahim ayaa sheegay inuu Al-shabaab ka tirsanaa muddo Sagaal bil ah, tababarna uu kusoo qaatay xarun ay Al-shabaab ku leedahay Gobolka Gedo, isagoo ka mahad celiyay sidii ay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed usoo dhaweeyeen Baydhabo.

Goobjoog News