U bood dhigaalka

Xubin Ka Tirsan Alshabaab oo Isku Dhiibay Xoogga Dalka

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad ee deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay inuu maanta isku soo dhiibay xubin ka tirsan Alshabaab, kaas oo lagu soo bandhigay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, halkaas uu kula hadlay warfidiyeennada.

 Mowliid Maxamed Sheekh Manuur ayaa Alshabaab ka tirsanaa shan sano, waxaana uu sheegay inuu qaabilsanaa  Jabhadaynta gobolada, isaga oo xusay inuu kasoo dhowl galay gobolada Bokool, Galgaduud, Mudug iyo Sjabeellada dhexe ee ee Koonfurta Soomaaliya.

Ciidamada xoogga dalka ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa ay siyaabo kala duwan usoo bandhigayeen xubno ay sheegeen in ay kasoo goosteen Alshabaab oo dagaal kula jira ciidamada dowladda iyo AMISOM oo taageera, waxaana dhowr jeer soo bandhigeen shakhsiyaad nuucaan ah.

Goobjoog News