U bood dhigaalka

Xubin ka tirsan Xisbiga Wadani oo lagu dilay Gobalka Sool

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Laascaannood ayaa sheegaya in goordhaw kooxa hubaysan ay ku dileen Hadraawi Sangub oo kamid ah aqoon yahannada gobalka Sool.

Dilka marxuumka ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen kooxo ku hubaysan biskoolado oo aan haybtooda la aqoon.

Marxuumka ayaa kamid ahaa xubnaha Xisbiga Wadani ee gobalka Sool, ciidamada ayaana gudaha magaalada kawada baaris ka ay ku baadigoobayaan kooxihii dilka gaystay.

Inta badan waxaa magaalada Laascaannood ku soo noqnoqda falalka noocaan oo kale ah.

Goobjoog News