U bood dhigaalka

Xubin Ka Tirsanaa Al-shabaab oo Isku Dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Sheeko:Amniga

Taliska qeybta 60-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in  horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab uu isku soo dhiiban ciidanka dowladda ee kusugan gobolka Baay ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Dhuurre Yuusuf Garow oo magaciisa Afgarashadu yahay kooxda dhexdeeda (Hilal) ayaa saaka isku soo  dhiibay taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo faahfaahiyay sababta ku kaliftay inuu kasoo baxo.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayuu Dhuurre u qaabilsanaa jabhada,isagoo sheegay inuu go’aansaday inuu isaga soo baxo kooxda, sida uu ku sheegay wareysi kooban uu siiyay warbaahinta ku hadasha Afka dowladda.

Dhuurre Yuusuf GarowIsa  ayaa baaq u direy saaxibadiisa kale ee ku jira Al-shabaab  in ay isaga Soo baxaan kana faa’iidaystaan cafiska dowladda u fidisay, kaas uu ku dhawaaqay madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Goobjoog News