U bood dhigaalka

Xubnaha Haweenka Ee kujira Baarlamanaka Oo Muqdisho Kulan ku Yeeshey

Sheeko:Amniga

Xarunta guddoonka iyo guddiyada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ee Villa Harggeysa ayaa maanta waxaa ka dhacay kulan aqoon is weydaarsi ah oo ay ka qeyb galeen Xildhibaanada haweenka ah ee ku jira labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo uu soo qaban qaabiyay urur ka shaqeeya arrimaha haweenka Soomaaliyeed ayaa Waxaa ka hadlay qaar ka mid ah haweenka xildhibaanada ah ee Kulanka ka qeyb galay,waxaana ay xubnahaasi bogaadiyeen dowrka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin ka qeybgalka siyaasadda iyo horumarinta hananka dowladanimo.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa hada leh qoondo la’eg 30% inkastoo haweenka Soomaaliyeed arintaas cabasho ay ka muujiyeen oo ay ku doodayaan In tirada ay rabeen aysan weli helin.

Haweenku waxaa ay dowr ku leeyihiin dhamaan hay’adaha kaladuwan ee dalka,sida Baarlamanaka,Xukuumadda iyo meelo kale oo muhiim ah,waxaana aan la dafiri karin kaalinta ay ku leeyihiin horumarka bulshada.

Goobjoog News