U bood dhigaalka

Xubno Ka Socda Dowladda Federaalka, IGAD Iyo Waxgarad Ku Kulmay Jowhar

Sheeko:Dalka

Kulan ay isugu yimaadeen Wakiillo ka socday wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Federaalka, IGAD iyo Odayaal dhaqameed ayaa ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Kulankani ayaa ahaa mid waxgaradka gobolka Shabellaha dhexe loogu sheegayey in aanay jirin shaqsi IGAD ay la rabto hoggaaminta maamulkaan cusub ee la dhisayo maadaama maalmahan dambe wararkaan ay isla dhexmarayeen waxgaradka qaarkood.

Suldaan Axmed Rashiid Sheekh Shuceyb oo kamid ah duubabka dhaqanka Shabellaha Dhexe o la hadlay Goobjoog News ayaa faah faahin ka bixiyey shirkaan, wuxuuna sheegay in aanay jirin cid si gaar ah IGAD u wadato, islamarkaana Labada gobol iyaga ay dooran doonaan cidda ay rabaan.

“Waxaa duubabka la siiyey awoodii ay horay u lahaayeen, Labada gobol dadka jooga ay is doortaan, ayna jirin cid la wato sidaas ayaan ku heshiinnay IGAD”

“IGAD waxay inoo sheegeen in aanay jirin cid ay wataan, waxay inoo sheegeen in iyaga kor joogayaal ay yihiin oo kaliya, wax walbo wey naga qanciyeen, waxaana la qaatay inaan wax u dhisno sidii loo dhisay Galmudug” ayuu yiri Suldaanka.

Ugu dambeyn Suldaanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeya maalinta Talaadada ah ee soo socota la guda geli doono qorshaha lagu dhisayo maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Dowladda Federaalka iyo ururka IGAD waxay horay u sheegeen in 3-da bishan magaalada Jowhar dib uga furmi doono shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe, balse arrintaasi dib u dhac ayaa ku yimid.

Goobjoog News