U bood dhigaalka

Xubno Ka Socda Golaha Ammaanka Ee QM Oo Dalka u Imaanaya Arrimo La Xiriira Doorashada 2016

Sheeko:Dalka

Xubno ka socda golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa safar ku imaanaya Soomaaliya bishan si ay taageero ugu muujiyaan doorashada la filayo inay ka qabsoonto dalka bisha August ee sanadkaan 2016.

Safarka golaha ammaanka ayaa waxaa shaaciyey safiirka Qaramada Midoobay u fadhiya dalka Masar ahna madaxweynaha golaha ammaanka ninka lagu magacaabo Amr Aboulatta.

Golaha ammaanka ayaa u imaanaya dalka Soomaaliya sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen doorashada ka dhacaysa dalka, waxaana la qaban doonaa sida la qorsheeyey bisha August.

Doorashada Soomaaliya waxay noqonaysaa tii Labaad oo dalka gudahiisa lagu qabanayo tan iyo markii  hoggaamiye kooxeedyo ay afgambiyeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1991-kii taas oo keentay inuu dalku galo sanado badan oo dagaallo ah iyadoo doorashadii ugu dambeysay ay ahayd tii dhacday sanadkii 2012-kii.

Bishii lasoo dhaafay golaha ammaanka ayaa dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda Soomaaliya intii lagu guda jiray kulan ka dhacay magaallada New York oo uu kasoo qeybgalay maxadweyne Xasan Kheekh Maxamuud.

Cod bixinta doorshada soo socota ayaa noqonaysa mid ka duwan nidaamka qof iyo cod ah laakiin waa mid gogol xaar u noqonaysa in la gaaro nidaamkaas sanadku markuu yahay 2020-ka.

Goobjoog News