U bood dhigaalka

Xubno Ka Tirsan Al-shabaab oo Iskudhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Sheeko:Amniga

Maalmihii tagay waxaa soo badanayey xubnaha ka tirsan Al-shabaab isu soo dhiibaya ciidanka dowladda federalka ah ee Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyay laba xubnood oo isku dhiibay ciidanka xoogga qeybta 60-aad ee deegaannada Koonfur Galbeed iyo qeybta 21-aad ee deegananada dowlad goboleedka Galmudug.

Maxamed Xasan Nuur oo katirsana kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka Hay’ada nabad Sugida iyo sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku sugan degmada Xudur ee xaruunta Gobolka Bakool. Maxamed ayaa kamid ahaa muddo labo sano ah Al-shabaab, isaga ka qeybqaatay dagaalo  ka dhacay dalka.

Maxamed ayaa sheegay in ay Ciidanka nabad sugida si wanaagsan usoo dhaweyeen isagoo dhalinyarada kale ee ku jira ugu  baaqay inay isku soo dhiibaan ciidanka dowladda, waxaana isku soo dhiibistiisu kusoo aadaysaa iyadoo gobolka Bokool uu ka biloday howlgal ay wadaan ciidanka dowladda iyo Daraawiishta KGS.

Sidoo kale Cabdulaahi Cali Xuseen (Cali Qoodaar) oo kooxda Al shabaab  ayaa iska dhiibay magaalada  Bacadweyne oo ka tirsan gobolka Mudug, Saraakiisha ciidanka daraawiishta Galmudug ayaa sheegay inay jiraan horjoogayaal kala duwan oo doonaya in ay isaga soo baxaan Al-shabaab oo ay isku soo dhiibaan iyaga.

Tan iyo markii Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ay bilaabeen howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee gobollada Hiiraan Mudug, Galgaduud iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa soo baxayay xubnaha ka tirsan Al-shabaab oo isku soo dhiibayay ciidanka xoogga iyaga oo isaga soo baxay Al-shabaab.
Goobjoog News