U bood dhigaalka

Xubno Ka Tirsan Al-shabaab Oo Lagu Diley Buurdhuubo, Gedo

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha deegaanka Buurdhuubo ee gobolka Gedo Xasan Maxamed Cali ayaa sheegay in 9 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab lagu diley tuulo 38-KM u jirta deegaankaasi.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in ciidamo si gaar ah u tababaran oo Jubbaland ah ay qaadeen howlgalka lagu diley dagaalyahannadan.

Waxa uu sheegay in xubnahan la diley ay Labo ka mid ah yihiin saraakiil, halka 7-da kalena yihiin ciidamo waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ciidamo si gaar ah u tababaran oo tiro yar ayaa weerar ku qaaday Tuulo 38-km u jirta Buurdhuubo waxay ku dileen 9 nin oo Al-shababa ah, Labana waa saraakiil’

Guddoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay in ay xoojiyeen howlgallada ay ammaanka guud ku xaqiijinayaan islamarkaana ay Labo jibbaari doonaan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Dhanka Al-shabaab ma jirto wax war ah oo ay kasoo saareen sheegashada maamulka Buurdhuubo oo ah in Sagaal ka mid ah dagaalyahannadooda la diley.

Goobjoog News