U bood dhigaalka

Xubno ka tirsan baarlamaanka Koonfur Galbeed oo lagu eedeeyay iney qas siyaasadeed ka wadaan Maamulka

Sheeko:Dalka

Mudane ka tirsan Baarlamanka Koofur Galbeed ayaa ku eedeeyay Xildhibaanada Baarlamankaasi qaarkood inay ka dambeeyaan mooshin la doonayo in lagu rido Madaxwaynaha Koofur Galbeed.

Waxaa uu sheegay in arrintani ay saameyn ka dhalan karto iyadoo waqti mooshin la keeno aan gaarin oo dhawaan ay ahayd markii la caleema saaray guddoomiyaha baarlamanka maamulkaasi .

Xildhibaan Ibraahim Macalin Aadan waxa uu ugu baaqay xildhibaanadaasi inay ku degdegayaan sida uu yiri mooshin taas oo aan xilligan ahayn waqtigeeda islamarkasna aysan u baahnayn dadka koofur galbeed kala qobqob .

Waxaa uu sheegay xildhibaanku in arrintani ay saameyn ka dhalan doonto haddii xildhibaanadaasi aanay mooshinka  ka joogsan .

Waxaa uu yiri “ Xildhibaano ay tiradoodu gaarayso illaa iyo 15 ayaa horay u sheegay inay mooshin ka keenayaan Madaxwaynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan “.