U bood dhigaalka

Xubno Ka Tirsan Golaha Deegaanka Laascaanood Oo Mooshin Ka Keenay Guddoomiyaha Magaaladaasi

Sheeko:Dalka

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa jiray warar sheegayey in golaha deegaanka ee degmada Laascaanood iyo guddoomiyaha magaaladaasi uu u dhaxeeyo khilaaf hase ahaatee waxaa markii ugu horreysay arrinkaasi ka hadlay qaar ka mid ah xubnaha golaha deegaanka magaaladaasi, kuwaasi oo sheegay in Guddoomiyaha ay ka gudbiyeen mooshin looga soo horjeedo.

Xildhibaannadan ayaa saxaafadda kula hadlay magaalada Laascaanood, waxayna tiradoodu ku sheegeen 11 xubnoo, iyaga oo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ka dalbaday in degdeg uu arrinkaasi kusoo farageliyo.

“Waxa uu diiday wax walbo oo shaqo ah oo la qaban lahaa, waxa uu diiday in nadaafaddii laga shaqeeyo, lacag buu meelaha ka uruursadaa, waraqado badan baan u qornay laakiinse kama aanu soo jawaabin waxa uu u baxsaday Hargeysa, mooshinka aan ka gudbinay waa mid xil ka qaadis ah, waxaana ku saxiixan 11 xubnood, waxaa kaloo jirta warqad kale oo u gudbinay guddomiyaha gobolka Sool iyo sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Somaliland” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah xildhibaannada golaha deegaanka ee magaalada Laascaanood.

Guddoomiyaha magaalada Laascaanood Cismaan Saleebaan ayaa isna dhinaciisa waxa uu sheegayaa in mooshinkaan aanu ahayn mid sax ah islamarkaana qaab beeleed loo wado waxa ka soconaya magaaladaasi.

Magaalada laascaanood ee gobolka Sool waxaa maalmahan dambe aad loo hadal hayey khilaafka xooggan ee ka dhaxeeya guddoomiyaha magaaladaasi iyo sidoo kale golaha deegaanka Laascaanood.

Goobjoog News