U bood dhigaalka

Xubno ka Tisan Baarlamaanka Federaalka oo Ku Taliyay in Gabi ahaanba Meesha Laga Saaro Aqalka Sare

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa ka dooday qabyo qoraalka Sharciga Doorasho ee 2016, iyadoo intooda badani ay isku raacsanaayeen in gabi ahaanba meesha laga saaro aqalka sare ee baarlamaanka si looga feejignaado isku dhac siyaasadeed iyo mid sharci oo uu horseedi karo.

Kulanka mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ku saabsanaa doodda hirgelinta sharciga doorashada dadban isla markaana ay is qoreen 56 xildhibaan, ayaa waxay badi aragtidoodu ku saleysnayd in la iska daayo gabi ahaanba dhismaha aqalka sare ee baarlamaanka.

Xubnahan diiddan aqalka sare ayaa tilmaamay in dalka duruufaha uu ku jiro awgiis aanuu qaadi Karin aqal sare iyagoo tusaaleeyay inaan dhaqaaluhu xamili karin isku dhac siyaasadeed oo hor lehna uu sababi karo.

Xildhibaan Cabdirisaaq Daahir Maxamuud ayaa hab qeybsiga aqalka sare ku tilmaamay mid cadaalad darro, isagoo ku taliyay in gabi ahaanba la iska daayo:

“Waxaan aamin sanahay inaanuu jirin xildhibaan diiddan iney doorasho dhacdo, liikiin waxay ka walwalsan yihiin qodobada Soomaliweyn u keenaya cadaalad darrada, waan ogsoonnahay in la rabo in Soomaali la isku keeno, Soomaalida maqan waxayaabaha ay ku maqan yihiin waa la ogyahay iney tahay cadaalad darro, Aqalka sare waxaa laga dhex arkay in dib loosoo nooleynayo cadaalad darradii dalka ka dhacday mudada dheerayd, markaa barnaamijka aqalka sare iyo qaabka loo qeybiyay in dib looga wada hadlo, qodobkaasna laga saaro lixda qodob, doorasho dadbani iney dhacdana la ansixiyo dhamaan xildhibaanada waan la qabaa”.

Dhanka kale waxaa jiray xildhibaanno aan sidaas usii badneyn oo tilmamaay in aqalka sare uu yahay mid aad u muhiim ah oo aan laga maarmi Karin.

In kastoo madaxweynaha dowaldda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka codsaday xubnaha baarlamaanka iney isla maantaba ansixiyaan hanaanka doorasho, ayaa hadana loo baahday wakhti dheeri ah, kadib markii la waayay 184 mudane oo ansixinta sharcigan lagama maarmaan u ahayd, waxaana loo ballamay maalinta Sabtida ah si loo meel mariyo.

Goobjoog News