U bood dhigaalka

Xubno Kasoo Goostay Al-shaabab oo Lagu Soo Bandhigay Koonfur Galbeed Soomaaliya

Sheeko:Amniga
Taliska hey’adda nabad sugida iyo sirdoonka qeybta dowlad goboleedka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay,  kusoo bandhigey xubno ka tirsan Al-shabaab oo ay sheegeen in ay isku soo dhiibeen dhankooda, xubnaha ayaa tiro ahaan gaaraya 11 xubnood sida ay baaheysay hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka.
Qoraal kasoo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in xubnahaan   Alshabab u qaabilsanaayeen Jabhadaha xisbida iyagoona kasoo howlgalay gobollada Jubooyinka, Baay, Bokool,  Shabeellaha hoose, Shabeelaha dhexe ,Mudug iyo Hiiraan, kuwaas oo ka kala tirsan dowlad goboleedyada  Jubballand, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug.
Waxaa mid walba uu sheegey in ay tahay sababata ku kaliftey in ay Alshabab ay ka soo baxaan ay tahay dhibaatada iyo go’odoonka ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, sida ay hadalka u dhigeen, xilli ay la hadlayeen warbaahinta ciidanka, waxaana ay baaq u direen dhallinyarada kale ee ku jira xooggaga Al-shabaab.
Ciidanka nabad sugidda iyo sirdoonka dowlad goboleedka Koonfur ayaa dhowr jeer waxaa ay soo bandhigeen xubno ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab oo ay dhankooda isku soo dhiibeen, waxaana ay ku soo aadaysaa xilli ay ka socdaan howlgallo Koonfur Galbeed oo ay wadaan ciidanka dowladda .
Goobjoog News