U bood dhigaalka

Xujey Soomaali Ah Oo Geeriyootay

Sheeko:Dalka

Xujeey Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku jiraan dadkii shalay ku dhintay Mina, ka dib is buurashadii ka dhalatay dhagax Tuurka.

Halka ugu daran ee dadku dhinteen ayaa ah Dhagaxtuurka iyadoo dadka is buurteen ama is dul fuuleen halka ay iska gooyaan Labada Waddo 204 iyo 223.

Ahmed Aadan Digaal (Ahmed Safiina) oo ka mid ah Xujeyda Soomaaliyeed ayaa mart uu lahadlay Idaacadda VOA, waxa uu u xaqiijiyay in dhimashada Dadka Soomaaliyeed ay Todobo tahay.

Waxaa kaloo uu sheegay in ay wadaan dadaallo kale oo lagu ogaanayo hadii ay jiraan Soomaali kale oo halkaasi ku dhimatay.

Todobada ruux ee Soomaalida ah, ee shalay geeriyootay ayaa Afar ka mid ah waxa ay ka tageen Kenya, halka Seddaxda kale ay Soomaaliya ka baxeen.

Goobjoog News