U bood dhigaalka

Xukun Dil Ah Oo Maanta Lagu Riday Shaqsigii Dilay Taliyaha Nabad Sugidda Ee Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida waxay xukun dil ah ku ridday Yuusuf Xasan Maxamuud oo ku eedeysan inuu dilay taliyahii ciidanka Nabad sugidda Sh/dhexe C/weli Ibraahim Maxamed.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Shuute oo maanta gaaray degmada Jowhar ayaa dhageystay dacwaddan, waxaana sidoo kale maxkamadda ay xukunno ku riday 3 qof kale oo kiiskan loo haystay.

Maxkamadda ayaa Labo sano oo xabsi ah ku ridday Faarax Axmed Macalllin, C/laahi Diiriye Sabriye oo isna lagu xukumay 6 bil oo xarig ah halka maxkamadda ay siideysay markii dambi ku weysay Liibaan Cali Maxamuud.

Shaqsiga dilka toogashada ah lagu xukumay ayaa qirtay inuu isaga gacantiisa ku toogtay taliyahii ciidanka nabad sugidda Sh/dhexe.

Goobta maxkamadeynta ay ka dhaceysay waxaa ku sugnaa xubno ka socday maamulka gobolka Shabellaha Dhexe, saraakiil ciidan iyo sidoo kale ehlada maraxuumkii la dilay iyo kuwa dadka la xukumay.

Goobjoog News