U bood dhigaalka

Xukun Lagu Riday Askari Ku Eedeysnaa Fududeynta Dilkii Anthony Farmosa

Sheeko:Amniga

Maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa maanta waxa ay xukun dil ah ku riddey askari ka tirsanaa ciidanka maamulkaasi, kaasi oo lagu eedeeyey in uu fududeeyey dilkii Boosaaso loogu geystay Paul Anthony Farmosa oo ahaa maareeyihii shirkadda P&O.

Dable Cabdi Cali Xirsi, ayeey sheegtay maxkamadda in lagu helay caddeynta dambigii uu galay, sidaas darteedna dil loogu xukumay.

Waxay maxkamadda sidookale sheegtay in askarigan uu haysto muddo bil ah, taasi oo uu racfaan kaga qaadan karo xukunka maanta lagu riday.

Paul Anthony Farmosa oo ahaa maareeyihii shirkadda P&O oo hoostagta shirkadda DP World ayaa lagu dilay Boosaaso 4-Feb-2019, iyadoo askariga maanta la xukumay ka mid ahaa dadkii loo qabtay dilka Farmosa, walow shaqsigii dilay u dhintay dhaawac soo gaaray.

Goobjoog News