U bood dhigaalka

Xukun Lagu Riday Milkiilihii Shirkadda Astaan Tv

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta Arbaco ah markale maxkamadda magaalada Hargeysa ee Somaliland la horkeenay milkii shirkadda warbaahinta Astan Tv Cabdi Manaan Yuusuf, kaas oo ciidamada Somaliland ay xireen 18-kii July 2020, xiligaas oo uu ku sugnaa Hotel uu deganaa oo ku yaallo magaalada Hergeysa.

Cabdi Manaan ayaa xeer ilaalinta markii ay soo gudbisay dacwadaha lagu soo eedeeyey, waxaa lagu xukumay 5 sano oo xarig ah, ganaax la cageed oo gaarayo 2 milyan oo Shinka Somaliland iyo in shaqo in la xiro gabi’ahaan xaruntii shirkadda Astaan ee magaalada Hargeysa ay ku laheyd.

Goobjoog News