U bood dhigaalka

Xukuumada Soomaaliya oo gudi heer wasiiro u magacawday xalinta dagaal beeleedyada ka jira gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka
Khaliif Axmed Erag
Khaliif Axmed Erag

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa guddi heer wasiirro ah u magacowday colaadaha iyo dagaal beeleedyada ka jira deegaanka Deefow ee gobolka Hiiraan, waxana ay Xukuumaddu ugu baaqday kooxaha uu khilaafku ka dhexeeyo in ay si deg-deg ah u joojiyaan dagaalka oo ay wada hadal ku xalliyaan khilaafkooda.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Khaliif Axmed Ereg iyo xubno guddi Wasiirro ah oo wada jir Saxaafadda ula hadlay ayaa sheegay markii ay soo noq-noqdeen dhowr jeer dagaalka Deefow in Xukuumaddu ay magacowday guddiga heer wasiirro ah oo soo af jara dagaalladaas.

“Anoo ku hadlaya magaca Xukuumadda Federaalka waxaa si tiiraanyo iyo murugo leh uga muujinaynaa colaadda iyo dagaallada soo noq-noqotay ee labada beelood ee walaalaha ah ku dhex martay deegaanka Deefow ee gobolka Hiiraan. Anigoo uga tacsiyaynaya dadkii ku waxyeeloobay dagaalkaas” ayuu yiri Wasiirka Amniga Qaranka oo intaasi raaciyay in dhinacyada dagaallamaya ay colaadda si deg-deg ah u joojiyaan.

Mudane Khaliif Axmed Ereg ayaa intaas ku daray “Dhammaanteen waxaa aad noo damqay inaan maqalno dagaalka dhiiggu ku daatay ee dhex maray labada beelood ee walaalaha ah. Sida kaliya ee lagu xallin karo khilaafka ka jira deegaanka waa wada-xaajood, waxaanan xasuusineeynaa in dagaal naf lagu waayo uusan marnaba xal noqoneeyn”.

Ugu danbeyn, ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Amniga Qaranka ayaa amray Hay’addaha Amniga ee dowladda Federaalka ee ka howlgala gobolka in ay kala dhex galaan beelaha iyagoo kaashanaya Odayaasha dhaqanka iyo Ciidamadda midowga Africa ee AMISOM.