Wararka Dalka

Xukuumadda Cusub Ee Malaysia Oo Wasiirrada Ka Mamnuucday In Ay Qaataan Hadiyadaha

Xukuumadda cusub ee Malaysia ayaa soo saartay sharci cusub oo xubnaha golaha xukuumadda ka mamnuucaya in ay qaataan hadiyado.

Ra’iisulwasaaraha Malaysia Mahathir Bin Mohamad oo shir jaraa’id qabtay ayaa shegay sharcigan cusub oo ah in xubnaha xukuumadda aysan qaadan Karin Hadiyadaha.

Waxaa uu tilmaamay Mahathir Bin Mohamad in ay qaadan karaan oo kaliya Hadiyadaha sida Ubaxyada, Fawaakihda iyo Cuntada, waxaa uu hoosta ka xariiqay in aysan qaadan Karin xubnaha xukuumadda wax intaas ka badan, isaga oo tilmaamay in qofkii Hadiyad intaas ka baxsan bixiya iyo kan qaataba ay yihiin ku dhacay Qalad.

Mahathir Bin Mohamad oo ah 92 ayaa gutay dhaarinta Dastuuriga ah ee ra’iisulwasaaranimada dalkaasi 10 May ka dib markii uu isbaheysigiisa uu ku guuleystay doorashooyinka guud.

Mahathir Bin Mohamad ayaa noqonaya ra’iisulwasaarihii 7-aad tan iyo markii ay Malaysia xornimada ka qaadatay Uk sanadkii 1957.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close