U bood dhigaalka

Xukuumadda Federaalka Ah Oo Ansixisay Miisaanadda 2019-ka Oo Dhan US$340 Milyan

Sheeko:Dalka, War

Golaha wasiirrada ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku ansixiyeen miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2019 oo dhan US$ 340,060149 (Sedax Boqol iyo Afartan Milyan, Lixdan Kun Boqol iyo Afartan iyo Sagaal Doolar).

Wasiirka maaliyadda XFS, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in kulanka golaha oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre si aqlabiyad leh loogu meel mariyay miisaaniyadda oo ka badan Miisaaniyaddii sannadkii hore oo ahayd 274.6 Milyan.

Wasiirka ayaa sheegay  in ilaha laga helayo dhaqaalaha miisaaniyadda loo qorsheeyay 2019 ay ugu wayntahay dakhliga gudaha laga soo aruuriyo, waxa uuna u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed oo dawladda kala shaqeeyay canshuur aruurinta si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa miisaaniyadda ay ansixisay waxa ay u gudbinaysaa golaha sharci dejinta dalka si ay u meel mariyaan.

Dawladda ayaa dhaqaalaha loogu tala galay miisaaniyadda 55.8% (189.9 Milyan) ka filaysa gudaha, 44.2% (124.6 Milyan) waxaa ay ka imaanaysaa deeqaha dawladda la siiyo.

Goobjoog News