U bood dhigaalka

Xukuumadda Federaalka Oo Ku Baaqday In Gurmad Loo Fidiyo Dadka Abaartu Ku Hayso Gobolka Dalka Qaarkood

Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in gurmad loo fidyo dadka ay abaartu ku hayso qaar kamid ah gobollada dalka Soomaaliya.

Wasiirka Cadaaladda xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka-jiir ayaa sheegay in xilligaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba laga doonayo in ay garab istaagaan dadka xilligani abaartu hayso.

“Beesha caalamka waxaan ka codsaneynaa iney gurmad usoo fidiso dadka tabaaleysan, marka xiga inaan dowlad ahaan iyo shacab aan isku tashanno oo gurmadkaasi kaalin xooggan ka qaadanno, waad ogeydeen markii abaaraha ka dhaceen Koonfur Galbeed dadka oo dhan wey wada istaageen, innaguna sidaas oo kale baa nalaga doonayaan, fatahaaddii biyaha ee Puntland waad ogeydeen dadaalka la bixiyay, jirku hadii uu isku damqado wax badan baa sameysmaya xitaa dib u heshiisiinta socon la ayaa sahlanaaneysa, waxaa la’is bartaa xilliga ay dhibaatada jirto” ayuu yiri Wasiirka.

Inta badan gobollada Waqooyi ee dalka waxaa ka jira abaar saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa abaarahani guddi u magacdaw si gurmad loogu sameeyo shacabka Soomaaliyeed.

Goobjoog News