U bood dhigaalka

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo walaac ka muujiyay mooshinka ka dhanka madaxweyne Xasan Sheekh

Sheeko:Dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo iskugu yimid shirkoodii Khamiis laha ahaa,  ayaa  markii uu soo dhamaaday kulanku waxay  sheegeen in uu dareen ku abuuray mooshinka ay qaar ka mid ah xildhibaanada ka gudbiyeen madaxweyne Xasan iyaga oo intaa raaciyay in uu mooshinkaan carqalad ku yahay horusocodka siyaasadeed ee dalka.

Goluhu wuxuu dareen ka muujiyey dhaq-dhaqaaqa qaar kamid ah xubnaha Golaha Baarlamaanka ee ku howlan in ay mooshin ka keenaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya.

Goluha wasiirada ayaa u arkay in uu mooshinku si weyn u dhantaaleyo qodobadaan :

  1. Wadajirka iyo wada shaqeynta hey’adaha Dastuuriga ee dalka.
  2. Xasilloonida siyaasadeed ee ay Xukuumaddu ku dhawaaqday markii la ansixiyey.
  3. Horumarkii laga sameeyey hiigsiga 206, gaar ahaan taabagelinta hannaanka Federaalka, dib u eegista dastuurka iyo wadiiqada wadatashiga 2016.
  4. Howlgallada lagu sugayo amniga iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah.
  5. Kobaca dhaqaale ee dalka.

Golaha Wasiiradu waxay hoosta ka xariiqeen in Golaha Baarlamaanka ay kala shaqeynayaan arrimaha la xiriira wadiiqada wadatashiga 2016, sida shirkii HLPFee Muqdisho lagu qabtay.

Golaha Wasiirada waxay aaminsan yihiin in muhiim ay tahay sii socoshada wadashaqaynta hey’adaha Dastuuriga ah ee arrimaha masiirka dalka.